Qabqabashada dadkan ayaa waxay ka dambeysay ka dib markii saaka labo qarax ciidamada Ethiopia lagula beegsaday agagaarka Buundo Koowaad ee bartamaha magaalada Beledweyne. Qaraxaasi oo tiro badan oo askarta Ethiopian-ka ay ku dhinteen.
Qaraxyadaasi ka dib ayaa ciidamada Ethiopia waxay bilaabeen inay rasaas ku furaan xaafadaha magaalada, waxayna sidoo kale magaalada kula dhaqaaqeen baaritaano iyagoo dad u badan dhalinyaro soo qabqabtay.
Dadka la soo qabtay oo ay ku jireen arday iyo macalimiin dugsiyo Quraan ayaa markii dambe ciidamadu ku toogteen meel u dhow wabiga dhex mara magaalada.
Qof degan Beledweyne oo aan rabin in magaciisa la faafiyo ayaa RBC Radio u xaqiijiyey in dadka la toogtay ay ku jirtay haweeney da’ ah oo xaafada Nuur-Xawaad laga soo qabtay. Sidoo kale labo macalin Quraanayaa ku jiray dadka ay maanta toogteen ciidamada Ethiopia.
Afhayeenka maamulka Dooxada Shabeelle Maxamed Nuur Cagajoof oo aan la xiriirnay ayaa diiday inuu ka hadlo dhacdada maanta ka dhacday Beledweyne.
Xaalada magaalada ayaa maanta cakiran iyadoo guud ahaan dhaqdhaqaaqii ganacsiga iyo gaadiidka ee magaalada uu joogsaday. Waxaana xirmay dhamaan xarumaha waxbarashada gaar ahaan dugsiyada Quraanka ka dib markii ardayda iyo macalimiinta ay soo foodsaartay cabsi xoogan.
Dilka maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa noqonaya kii labaad ee ciidamada Ethiopia in ka yar saddex toddobaad ka geystaan magaalada Beledweyne, waxayna saddex usbuuc ka hor ciidamada Ethiopia ku dileen magaalada 7 ruux oo dhalinyaro ka dib qarax ismiidaamin oo magaalada lagula beegsaday.
Illaa hadda DKMG ah ayaan ka hadlindhibaatada rayidka loogu geystay magaalada Beledweyne maanta.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho
No comments:
Post a Comment