Sunday 5 February 2012

Faahfaahin Ka Soo Baxaysa Dagaallo Xaley Ka Dhacay Gedo

Luuq (RBC) Ugu yaraan 20-qof ayaa ku dhintay tira intaas ka badana waa ay ku dhaawacmeen dagaal xaley ka dhacay degmada luuq ee gobalka Gedo
Dagaalka oo uu dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Al-Shabaab ayaa waxa uu socday in ka badan san saac oo xiriri waxana inta badan dadka dhintay ay u badnaayeen kooxihii dagaalamaayay.
Labada dhinac ee dagaalamaayay ayaa mid kasta sheegtay in uu guulo ka gaaray dagaalka xaley ka dhacay luuq ganaane, ma jirro warar madaxbanaan oo ku aadan dagaalka iyo inta uu la egyahya qasaaraha uu soo kala gaaray labada dhinac.
Saraakiisha dowladda ee ku sugan gobollada Gedo ayaa sheegay dagaalka in uu ku bilowday markii Al-Shabaab soo weerartay fariisimo ciidamada dowladda iyo Ahlu Sunna ku lahaayeen deegaanka Kureed oo 18 km u jirta degmada Luuq ee gobalka Gado.
Waxa kaloo saraakiisha dowlada ay sheeegeen in ay dileen tira ka tirsan Al-Shabaab in kastoo aysan sheegin tirada rasmiga ee ay la egyihiin.
Dhinaca kale Afhayeenka dhinac howlgalada ururka Al-Shabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab oo la hadlay Idaacadda maxaliga ayaa sheegay dagaalka xaley ka dhacay Luuq in ay guulo ka gaareen, isagoo intaas raaciyay in ay dileen saraakiil ciidamada dowladda sida uu hadalka u dhigay.
Wuxuu sheegay in siddoo kala in ay qabsadeen gaadid dagaal iyo hub,  Sheekh Cabdi Casiis ayaa sheegay in dhinacooda ay kaga dhinteen sedddax askari wax dhaawac ahna uusan jirin.
Wuxuu sheegay in degmada Luug ay isaga baxeen markii ay ka gaareen danihii ay ka lahaayeen sida uu hadalka u dhigay.
Si kastaba, Degmada Luuq ayaa saaka la soo sheegayaa in ay deggan tahay, waxana magaalada gacanta ku haya ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna.
Dadka ku dhaqan magaalada ayaa sheegay dagaalkii xaley ka dhacay Luuq in uu aad ucuslaa oo uu ahaa kii ugu adkaa ee dhawaanahan ka dhacay gobalka Gedo.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...