Wednesday 1 February 2012

Garowe iyo Boosaaso oo Caawa Ciidan lagusoo Daadiyay Kadib Beegsigii Ina Cawaale.


Written by Administrator on .
somalimemo.netAmaanka magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso ayaa Caawa si aad ah loo adkeeyay kadib markii maanta weerar Naf hurnimo lagu qaaday Korneyl Cabdi Qeybdiid.

Wararka nagasoo gaaraya Garowe ayaa sheegaya in caawa Maqribkii ay ciidamo farabada soo dhoobteen hareeraha guriga Cabdi Faroole ka deganyahay magaalada iyo Qunsuliyadda Itoobiya ee Garowe.

Cabdi aad u xoogan ayaa Garowe kajirta galabta waxaana la arkayay gaadiidka gaashaaman oo amaanka magaalada si feejigan u ilaalinaya Nalal aan horay uga shidneyn ayaa caawa Maqribkii laga shiday dhamaan xaafadaha ku dhaw madaxtooyada Garowe.

Wararka lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in ciidan Cadaan iyo kuwan African ah oo duleedka magaalada deganaay caawa ay gudaha usoo galeen magaalada.

Bandaw aan horay loosii shaacin ayaa Garowe ka dhaqan galay lama oga sababta caawa loo adkeeyay amaanka xarunta madaxtooyada, majirto cid xaqiijin karta in Faroole Garowe joogo iyo inkale.

Dhinaca kale Ciidamo farabadan ayaa caawa lagusoo daadiyay wadooyinka magaalada Boosaaso, majirin wax qaraxyo ah oo caawa magaalada ka dhacay balse shacabka ayaa si feejigan u isticmaalayay wadooyinka magaalada.

Faroole iyo Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa labaduba ah Dagaal Oogayaal Ashahaadda ladirirnimo kula saaxibay Itoobiya waxayna aaminsanyihiin in ay halka cadaw leeyihiin.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...