Thursday 2 February 2012

Maxaad Ka Taqaan Badhaadhe iyo Dhulka Tajoorre ee Jubbada Hoose (Xog Istiraatiijiyadeed).


Written by Administrator on .
Boqolaal katirsan ciidamada Kenya iyo maleeshiyaad Soomaali calool-uus ah ayaa bilaabay in ay kusoo faafaan dhulka Dhagaagida ah ee Jubbada Hoose kadib markii ay Insixaab Taktiiki ah sameeyeen mujaahidiintu.

Dowladda Kenya oo ku guuldareysatay in ay magaalada Kismaayo qabsato iyadoo maraysa wadada caadiga ah ee isku xirta Kismaayo iyo Dhoobley ayaa isku dayday in ay mujaahidiinta dhabarka ka jebiso.

Allaha dhowree Taliska ciidamada Mujaahidiinta Somaaliya ayuu Alle ku maneystay dejinta Taaktiik iyo qorshayaal ka qota dheer midka cadawga shisheeye isticmaalayo.

Sarkaal katirsan Mujaahidiinta ayaa noo sheegay in Qorshaha dagaalka Mujaahidiinta ladejiyay Bil ka hor intii aysan Kenya cadeysan dagaalkeeda balse ay jiraan qorshayaal Milleteri oo hadba xaaladda taagan lajaan qaada.

Warbaahinta Cadawga ayaa maanta si aad ah u buun buunisay Ahmiyadda Badhaadhe maadaama ay mujaahidiinta ka baxeen ayna gaareen ciidamo cadaw ah.

Badhaadhe waxay kamid tahay gobolka Jubbada Hoose waa degmo Yar oo magaalada Kismaayo dhanka Koonfur uga beegan, Badhaahe oo xiligii
Dowladii Siyaad Barre ahayd Degmo ayaan hadda la oran karin waa degmo sababahan soo socda.

1-Badhaadhe malahan Dhismayaal bilicsan, malahan Ceel biyood, goobo Waxbarasho, isgaarsiinta qeybaheeda kala duwan sida Taleefanka Xarigga.

Xiligii Siyaad Barre waxay laheyd Iskuul waxbarasho oo waxaa deganaa Bulsho aad ufarabadan xiligaas waxaa deganaa dad lagu qiyaasay 1,500 oo qof basle markii burburku dhacay Badhaadhe waa ay duntay waxayna noqatay Tuulo.

2-Badhaadhe hadda dadka ku nool kama badna 200 oo qof waana Number aad u hooseeya tusaale Badhaadhe waxaa ka deegaan badan Kudhaa oo aan sidaasi uga fogeyn oo dadka ku nool ka badanyihiin 2,500 oo qof.

3-Badhaadhe malahan waddo nadiif ah oo ay si wanaagsan u isticmaali karaan gaadiidka dadweynaha sidoo kale magaalada maheysato Biyo nadiif ah oo lacabo.

Ceelka Biyaha ee ugu dhaw Badhaadhe wuxuu kuyaal meel degmada ujirta 18 KM waana masaafo aad u fog balse waxaa Badhaadhe ku dhaw Tog Biya keena xiliga uu dhulko Roobeysan yahay.

Maadaama Dowladii Siyaad barre Badhaadhe degmo kadhigtay ayay dadku u aqoonsan yihiin degmo waxana loogu yeedhaa "Degmada Badhaadhe".

Mandiqadda Tajoorre iyo Ahmiyadeeda.

Dhulka Jubbada Hoose waxaa lagu tiriyaa dhulka ugu wanaagsan Soomaaliya marka loo eego dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo Istiraatiiji ahaan intaba.

Tajoorra waa Jaziirado dhaca Xeebta Jubbada Hoose waxayna isugu jiraan kuwa Ahmiyad istiraatiijiyadeed leh, kuwa meel dhaxaad ah iyo kuwa aan ahmiyad sidaasi ah laheyn balse kamid ah dhulka Soomaaliya sinana aanan u ogoleyn in cadawgu taako kamid ah qabsado.


Dhulka Tajoorra wuxuu ka bilowdaa deegaanka Buula Xaaji oo qiyaastii 90 KM ujira magaalada xarunta ah ee Kismaayo Buula Xaaji dhanka Midig waxaa uga beegan Badhaadhe oo 180 KM ujirta magaalada Kismaayo.

waxaa dhanka Jenbiga Badda kagasii beegan Kudhaa oo ah meel Dekad leh Koonfur waxaa kasii xigta Kaambooni oo aan muhiimad sidaasi ah laheyn iyo Buurgaabo.

Badda Madoow iyo Kudhaa Dhul Muhiim ah

Badhaadhe waxay u dhaxaysaa Buula Xaaji iyo Kudhaa waxaana dhanka Qorax udhaca kajira Keymaha muhiimka ah ee Badda Madoow lagu magacaabo.

Badda Madoow waxaa hadda ku sugan ciidamada Mujaahidiinta dhulkani waa dhul Barwaaqo ah oo aaney ka dhicin abaartu, waana dhul Keyma ah oo doog iyo Indha doogsi leh.

Badda Madoow ciddii gashaa sidii loogasoo saara way adagtahay sababtoo ah waa keymo ay cidda ku jirta meel sare ka arki karto wixii soo gelaya dhulka Kenynta ah waxaana la oran karaa waa Tooraboorada Somaaliya.

Waxaa laga heli karaa gudaha Badda Madoow Baad, Biyo, Ugaar iyo geed Miroodyo, diyaaradaha dagaalka ma awoodaan in ay duqeyn bartilmaameed ah ka geystaan oo ay Hadaf ku helaan cidda ay doonayaan.

Dhulkan waxaa kasoo askumay mujaahidiinta Soomaaliya oo Tababaro iyo diyaar garoow dagaal kusoo qaatay waana halkii ay ku dhuunteen madaxdii Maxaakimta Islaamka xiligii Imtixaanku dhacay ee Itoobiya dalka qabsatay.

Kudhaa waxay saldhig ku aheyd Sheekh Xasan Turki oo madaxda Mujaahidiinta kamid ah, cadawga Kenya iyo maleeshiyaadka lasocda ma awoodaan in ay galaan sababa laxariira dabeecadda Juquraafi ee dhulkaasi.

Nin dhal-dhalaal aduunyo raba ma awoodo in uu ku noolaado sababtoo ah waxay u baahan tahay sabar iyo dulqaad Kaneeco iyo xagatimo geedna waa wax caadi ka ah.

Aan usoo laabano Buur-gaabo iyo Kaambooni  oo Mujaahidiintu dagaal la'aan isagasoo bexeen, hogaanka Mujaahidiinta Somaliya wuxuu usha u hayaa dagaalka socda wuxuuna ogyahay halka wanaagsan in cadawga lagula dagaalamo iyo halka mudan in cadawga loo baneeyo si dhibka looga yareeyo mujaahidiinta.

Dadka dagaalka Jubbada Hoose ka faalooda waxay leeyihiin Dagaalka runta waxuu bilaabanayaa Marka Janaay Cabdalla Ama Birta dheer layslasoo gaaro halkaasi waa Qalcadda Kismaayo lagasoo galo ciddii dhulkaasi gacanta kusoo dhigta ayaana Kismaayo reja ka lahaan karta.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...