Wednesday 1 February 2012

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Ra'iisul Wasaaraha Talyaaniga

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali oo maalmahan
booqasho rasmi ah ku jooga Rome ka dib markii uu casuumaad rasmi ah ka
helay Ra'iisul Wasaaraha Talyaaniga ayaa maanta kulan dheer la qaatay
Ra'iisul Wasaaraha Talyaaniga Mario Monti.

Labada Ra'iisul Wasaare oo labadaba ah Professoro dhanka Dhaqaalaha ah
ayaa yeeshay kulan dheer oo ay uga wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay
ka mid yihiin xiriirka qotada dheer ee labada dal, arrimaha amniga,
burcad-badeeda, Qaxootiga Soomaalida, Roadmap ka iyo shirka London ee
23ka Febraayo.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa ugu
horreyntii uga mahadceliyey Ra'iisul Wasaaraha Talyaaniga Mario Monti
casuumaada rasmiga ah iyo soo dhoweyntii quruxda badneyd ee wafdigiisa
loo sameeyey. Ka dibna waxuu warbixin kooban ka siiyey xaaladda
Soomaaliya iyo horumarka baaxadda leh ee ay Dowladdu ka sameeysey
lixdii bilood ee la soo dhaafay dhanka amniga, xiriirka maamulada, dib
u heshiisiinta, maamul wanaaga, dastuurka iyo dib u habeynta
baarlamaanka.

Ra'iisul Wasaaraha Talyaaniga Mario Monti ayaa ballanqaaday inuu garab
taagan yahay Soomaaliya isla markaana ay Talyaaniga ka caawini doonaan
shacabka soomaaliyeed arrimaha soo celinta amniga, gar-gaarka
bani'aadanimo, dib-u-dhiska dalka iyo sidii dhalinyarada Soomaaliyeed
loogu sameyn lahaa mashaariic horumarineed. Ra'iisul Wasaare Monti
ayaa sheegay in Shirka London uu Talyaaniga si weyn u taageeri doono
qorshaha Soomaalidu ay wadato ka dib markii uu dhageystay Ra'iisul
Wasaaraha Soomaaliya oo ka codsaday in shacabka Soomaaliyeed ay ka
sugayaan Shirka London inuu garab istaago Roadmap ka iyo Garowe
Principles oo la doonayo in baarlamaan tiro yar oo tayo leh la soo
xulo, isla markaana la dhameystiro dastuurka si looga gudbo marxaladda
kala guurka ah. Sidoo kale Ra'iisul Wasaare Abdiweli ayaa sheegay in
Shirka London laga filan karo inuu dib-u-soo nooleeyo hay'adaha amniga
Soomaaliya, iyo in August 2012 ay dhacdo doorashooyin.

Labada Ra'iisul Wasaare ayaa waxey si saraaxad leh uga wada hadleen
sidii Soomaaliya loogu heli lahaa xal oo ay isku af-garteen.

--
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia
& Spokesperson of the Government
Tel: +252615479911
Tel: +252699998854

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...