admin | Jan 31, 2012 | 5 comments
Warar hoose oo aan helnay ayaa shegaya in Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya mudane Shariif Xasan sheekh Aadan dacwad kadhan ah Ra’isulwasaarihii hore Soomaaliya Maxamed cabdulaahi Farmaajo uu ugudbiye Midowga Africa iyo Qaramada midoobey waxaana arinkaan noo xaqiijiye xildhibaanada sida aadka ugu dhow dhow shariif xasan.Shariif xasan ayaa waraaqdiisa ku qoray ashtako kadhan ah Farmaajo waxaana oo sheegay in khilaafka barlamaanka xiligaan kadhex taagan uu wado asaga isla markaa xildhibaanada kharashaad aad u farabadan kubixiyo sidi loo kale qeybin lahaa.
Waxa kale oo uu sheegay in Farmaajo dhibaato xoogan kuhaayo hirgelinta Road Mapka isla markaa caqabado farabadan hordhigay waxaana uuna hoosta kaxariiqay in xiligaan uu wado qorshayaal shacabka soomaaliyeed wax xun laga fahansiinaayo shirka kadhacaayo bisha soo socota 23 magaalada London.
Ugu danbeyntii arinkaan ayaa imaaneyso xili Farmaajo kusuganyahe dalka Sweden halkaas oo kulamo kula leeyahe aqoonyahano somaliyeed waxa una ka warbixiyey shirka kadhacaaya London Waxa una Shegay in Shirkaasi hadi loga hadlayo qodobo wax u dhimaya Qaranimada Somaliyeed usan marnaba taageereyn balse taa badalkeeda hadi loga hadlayo danaha Somalia iyo Xalkeeda uu la garab istaagayo Taagero.
Dadka Indha indheya Siyaasada Somalia aya waxaay ku tilmaamen Arinkaan in Shariif Xasan aad uga xunyahay Qadarinta Shacabka Somaliyeed ay u hayaan R/wasaarihi hore ee Somalia Mudane Farmaajo oo asagu wali ka go,ila laabta Shacabka Somaliyeed waxaadna Arkaysa mudo ka dib Xil ka dagidiisi in Wali Shacabka Somaliyeed ee ay mar kasta Casuumaad u fidinayaan si uu mar un u soo hor istaago.
No comments:
Post a Comment