Friday 3 February 2012

XOG SIR AH: Wiilkii Talaadadii Lagu Qabtay Garoonka Muqdisho Waxaa Soo Diray Nabadsugida DKMG ah (Sawiro)

Share
Ismaaciil Axmed Yuusuf, 20-jir oo Nabadsugida DKMG sheegtay inuu isku qarxin rabay garoonka Muqdisho
Muqdisho (RBC) Waxaa markii ugu horeysay saraakiil booliska DKMG Soomaaliya ka tirsanay cadeeyen in dhacdadii Talaadadii [31 Janaayo, 2012] ka dhacday qeybta madaxdu ka dhoofaan ee garoonka diyaaradaha Muqdisho ay ahayd mid ay soo abaabuleen saraakiil ka tirsan hay’adda nabadsugida DKMG Soomaaliya oo Muqdisho ku sugan.
Sida Shabakadda Raxanreeb ay qortay maalintii Arbacada [1-da Febraayo 2012], hay’adda nabadsugida DKMG ayaa faafisay sawiro iyo warbixin ku saabsan wiil da’diisa lagu sheegay 20-jir kaasoo ciidamada sirta ay ka qabteen qeybta ay madaxda ka dhoofto [VIP-da] ee garoonka Aden Cabdulle Cismaan.  Saraakiisha nabadsugida waxay sheegeen in wiilkaasi uudiyaarinayey qorshe uu iskula qarxin lahaa madaxda ugu sareysa DKMG ah gaar ahaan madaxweynaha balse ay ogaadeen ayna ka hortageen. [Akhri warbixintaasi]
Wiilkaasi oo magaciisa lagu sheegay Ismaaciil Axmed Yuusuf , hooyadiisana ku sheegay Xaliimo Sheekh Cumar, waxaa habeenkii Talaadada laga baahiyey muuqaalkiisa iyo wareysi lala yeeshay telefishanka iyo idaacadda Dawlada isagoo qiranaya in Al-Shabaab ay soo direen uuna rabay habkii uu ku fulin lahaa ismiidaamin uu ku khaarajiyo madaxda sare ee DKMG ah. [DAAWO SAWIRADA AY FAAFISAY NABADSUGIDA]
Sidoo kale waxay idaacadda dawladu siideysay wareysi uu bixiyey sarkaal ka tirsan hay’adda nabadsugida oo sheegaya in ay heleen xogta wiilkan ka dibna ay ka qabteen gudaha garoonka!! [Halkan ka akhri wareysiga iyo sawirada]
Warbaahinta iyo dadweynahaba waxay tan iyo maalintaasi isweydiinayeen su’aal ahayd “Sidee nin isqarxin raba ugu suurtagashay inuu gudaha u galo garoonka oo leh saddex bar kontorool oo dadka lagu baaro oo labo ka mid ah ay joogaan Amisom??”
Mid ka mid ah sawirada Ismaaciil-Axmed-Yuusuf
Haddaba maxaa soo baxay?
Haddaba Shabakada Raxanreeb ayaa maanta heshay qeyb hordhac ah oo ka mid ah baaritaan ay qaadeen qeybta dembi baarista ee ciidanka booliska Soomaaliyeed si ay u xaqiijiyaan run ahaanshaha dhacdadan.
Shabakada Raxanreeb waxaa u suurtagashay in saraakiisha wada baaritaanka ay u xog waramaan, iyagoo codsaday inaan magacooda loo adeegsan warbixintan si dadweynuhuna u ogaadaan xaqiiqada dhacdooyinka socda.
Baaritaanka socda
Markii warka uu soo baxay maalintii Talaadada ayaa waxaa kulan yeeshay saraakiil ka tirsan booliska oo ku xeeldheer dembiyada kuwaasoo qaarkood soo shaqeynayey in ka badan 40 sano, si ay xog dhab ah uga helaan dhacdadii subaxnimadii Talaadadii ka dhacay gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Baaritaanka oo illaa hadda socda ayaa muujiyay in wiilka Ismaaciil Axmed Yuusuf uusan ahayn Al-Shabaab, xitaa uusan deganeyn deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab.
Waxaa sidoo kale saraakiisha xog waranka na siiyey ay sheegeen in la ogaaday in wiilka Ismaaciil uu garoonka ka soo galay iridka weyn ee sida caadiga ah dadku u soo maraan, abaare Sideedii iyo daqiiqado subaxnimadii Talaadadii isagoon waxba wadan.
“Waxaa yaab leh garoonku wuxuu leeyahay saddex barood oo dadka lagu baaro, marka laga reebo masuuliyiinta dawlada.  Saddexdaasi barood labo ka mid ah waxaa fadhiya askar ka tirsan AMISOM kalka barta koowaadna ay fadhiyaan ciidan nabadsugida ka tirsan,  Marka waxaa cadaatay in Ismaaciil saddexba barood ay ka soo daayeen rag nabadsugida ka tirsan oo illaa gudaha u geliyey garoonka”sidaasi waxaa Raxanreeb u sheegay mid ka mid ah saraakiisha baaritaanka wada oo aan diyaar u ahayn in magaciisa la xigto.
Saraakiisha baaritaanka waxay sheegeen in wiilka uusan wadan wax qarxa, isla markii uu garoonka galayna wuxuu toos u abaaray qeybta VIP-da ee garoonka oo ah meesha ay madaxda ku nastaan kahor inta aysan dhoofin.
“Sababta VIP-da ninkaasi loo geeyeyna waxay ahayd muhim, waayo maalinkaasi waxay ahayd maalinkii uu madaxweyne Shariif ka soo laabanayey Addis Ababa, ujeedkuna sidaasuu ahaa” ayuu yiri sarkaalka u xog waramay Raxanreeb.
Madaxweyne Shariif wuxuu subaxnimadii Talaadada ka soo degey garoonka ka dib markii uu ka soo laabtay magaalada Addis Ababa ee wadanka Ethiopia oo uu kaga soo qeybgalay shir madaxeedkii Midowga Afrika.  Isla galabnimadii Talaadada-na wuxuu  Madaxweynuhu, xarunta maamulka gobolka Banaadir uga qeybgalay xaflad loogu dabaaldegayey sanadguuradii saddexad ee markii uu xukunka qabtay oo ku beegneyd 31-ka Janaayo oo maalintaas ahayd. [Akhri warbixinta safarka madaxweynaha]
Isla Subaxnimadii Talaadada waxay sidoo kale, ciidamada nabadsugida sheegeen in hawlgal ay ka sameeyeen degmooyinka Xamarjajab iyo Xamarweyne ay ku qabteen gaari dameer waxyaabaha qarxalaga soo buuxiyey iyo ninkii watay. Hawlgalkan laftiisa ayaa la sheegayaa inuusan ka fogeyn kiiska wiilka garoonka laga soo dhex qabtay. [Akhri warbixinta hawlgalka Xamarweyne]
Saraakiisha baaritaanka waxay kaloo tilmaameen in dhamaan su’aalihii maalinkii hore la weydiiyey Ismaaciil uu si hakad la’aan u wada qirtay inuu ka mid ahaa Al-Shabaab taasoo ay sheegeen inay khilaafsan tahay dabeecada lagu yaqaano dadka dembiyada loo qabto oo mararka qaar ay qirtaan marna ay diidaan.
Maxay ahayd ujeedada ka dambeysa?
Inkastoo baaritaanka uu weli socdo, haddana illaa hadda waxay saraakiishu sheegeen in xubno ka mid ah saraakiisha nabadsugida ay ku rabeen dhaqaale iyo dalacsiin jago si loogu amaano in shaqo muhim ah ay qabteen.
“Waa iska caadi tanoo kale way dhacdaa in fal la abaabulo oo haddana la fashiliyo si loogu raadgato, gaar ahaan sirdoonada way sameeyaan” ayuu yiri sarkaal booliska baaritaanka wada ka tirsan.  “Waxay ka rabaan in madaxweynaha ama raysul wasaaraha lacag siiyo oo la dhaho madaxweynaha ayaad badbaadiseen” ayuu sii raaciyey.
Wuxuu sarkaalkan sheegay in dhanka kale qorshahan la maleegay uu saameyn iyaga ku yeelanayo, maadaama buu yiri dhacdadan ay ka bixineyso “sawir khaladan” shaqada booliska garoonka jooga”.
Baaritaanka ayaa xitaa soo jiitay saraakiisha AMISOM oo iyagu qeyb ahaan iska leh masuuliyadda amaanka garoonka, maadaama uu yahay garoonka meesha ay ka soo degaan kana dhoofaan ajaaniibta dalka timaada.
Dhacdooyin hore
Illaa labadii bilood ee u dambeeyay, waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayin ka badan 20 dhacdo oo ciidamada nabadsugida ay ku soo bandhigeen waxyaabo qarxa iyo dad ay sheegeen inay abaabulayeen dilal iyo qaraxyo oo ay ogaadeen soona qabteen.
Dad badan ayaa aaminsan in dhacdooyinkaasi qaarkood, ugu yaraan ay ahaayeen kuwo saraakiisha hogaanka u ah nabadsugida ay wax ka ogaayeen.
Caadiyan marka ay dhacdo mushahar la’aan ama saraakiisha ay rabaan inay dhaqaale ku helaan ayaa la sheegayaa in dad askar ah iyo saraakiil ay ka wada shaqeeyaan falal noocaan oo kale ah laakiin aan loogu talagalin khasaare in lagu geysto, sida ay qabaan dadka khabiirka ku ah arimaha amaanka.
Hay’adda nabadsugida DKMG ah ayaa lagu tilmaamaa inay mararka qaar ka madax bannaan tahay dhaqaale ahaan wasaaradda arimaha gudaha, mararka qaarna ayba shaqooyin u qabato hay’ado kale oo shisheeye ah.  Dhaqaale ahaana hay’adda waxay heshaa dakhli farabadan, hase yeeshee waxaa ilo ku dhow hay’adda ay ka walaacsan yihiin in beryihii dambe hay’adu qoratay dad fara badan oo aan la isku haleyn karin qaarkoodna ay yihiin dad horey uga tirsanaan jiray Al-Shabaab oo soo goostay.
Laakiin dhacdadadii Talaadadii ka dhacday garoonka Muqdisho ayaa durba abuurtay in madaxda sare ee DKMG ah ay su’aalo iska weydiiyaan sida arimuhu yihiin.!  

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...