Muqdisho(RBC Radio) Wararka Naga soo gaaraya xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa ku waramaya in 2 laba qarax oo isxig xiga ay ka dheceen maqaayada Indian Ocean oo ku taala afaafka hore ee xeebta Liido goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidamo iyo saraakiil oo katirsan dowlada Soomaaaliya.
Qaraxyada ayaa la sheegay in midka hore uu ahaa gaari laga soo buuxiyey kaasoo ku qarxay ilinka maqaayada iyadoo qaraxa xigane uu ahaa qof is qarxiyey kaaasoo la sheegy inuu xirnaa sun ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa sida uu warbaahinta u sheegay taliyaha Laanta danbi barista C/laahi Xasan Bariise.
C/laahi XAsan Bariise ayaa sheegay in qaraxa uu ku geeriyooday 1 ruux halka ay 7 kalane ku dhaawacmeen kuwaas oo dhaawacyadaooda ay daabulayaan gaadiidka Ambalaaska kuwaas oo loola cararayo cisbitaalada magaalada Muqdisho.
Ninka Ismiidaamiyey ayaa lasheegay inuu maanta ka cunteeyey Maqaayada uu isku qarxiyey iyadoona la tilmaamay inuu watay boors ay ka buuxeen waxyaabaha qarxa goobjoogayaal ku sugnaa maqaayada la weeraray ayaa xaqiijiyey in ninka is qarxiyey uu tiro dhowr jeer ah galay Suuliga maqaayada iyadoo la aaminsan yahay inuu kusoo diyaarinayey walxaha qarxo oo uu ku sitay boorsada.
Wixii faahfaahin ah ee kusoo kordha Khasaaraha qaraxyada ismiidaaminta ah ee lagu qaaday maqaayada Indian Ocean ee kutala afaafka hore ee xeebta Liido waxaan idiinku soo gudbineynaa wararkeena danbe maalma ka hor ayey ahayd markii sidan si lamid ah weerar loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa lagu weeraray maqaayada Baar Liido oo iyane ku taala Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho
No comments:
Post a Comment