Friday, 1 March 2013

R/wasaare Saacid oo Shirka Kismaayo ku tilmaamay wax aan la aqbali karin oo aysan dowladu Raali ka Ahayn



Muqdisho(RBC Radio) R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon ayaa gaashaanka u daruuray shirka maamul u samaynta Jubbaland ee shalay ka furmay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose R/wasaaraha ayaa tilmaamay in dowlada Soomaaliya aysan raali ka ahayn shirka ka socda magaalada Kismaayo isagoona dhaleeceeyey habka loo maray shirka maamul u samaynta gobolada Jubooyinka.
R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya ayaa ku tilmaamay shirka Kismaayo mid shacabka gobolada Jubooyinka u horseedayo taariikh madow oo laga soo gudbay wuxuuna si cad u sheegay in dowlada Soomaaliya aysan marnaba raali ka ahayn shirka laga furay magaalada Kismaayo wuxuuna tibaaxay in dadka ku hawlan shirkaasi ay faraha kula jiraan shaqadii dowladu ay lahayd.
Cabdi Faarax Shiirdoon wasiirka koowaad ee xukuumada Soomaaliya ayaa ayaa ku nuuxnuuxsaday in shirak ka socda magaalada Kismaayo uu yahay mid aan u cuntami kari dowlada Soomaaliya isla markaane aan si naba loo aqbali karin,wuxuuna ku celceliyey ineysan dowlada Soomaaliya lid ku ahayn iney maamul dhistaan dadka kunool goboladaas balse wuxuu meesha ka saaray habka loo wado samaynta maamulkaas.
R/wasaaraha ayaa carrabka ku dhuftay in dowlada Soomaaliya ay masuul ka tahay qaban qaabinta shir kasta oo maamul loogu dhisayo dalka iyo abaabulka bulshada isagoona shirka Kismaayo ku tilmaamay mid aan laga tixgalin dowlada Soomaaliya,R/wasaare Saacid ayaa hadalkiisa kusoo koobay in shir kasta oo aan laga tala galin dowlada Soomaaliya ay na tiijadiisu noqon doonto fashil iyo guul darro.
Hadalka R/wasaaraha ayaa imaanaya xili magaalada Kismaayo uu ka furmay shir la doonayo in maamul goboleed loogu dhiso gobolada Jubooyinka iyo Gedo wuxuuna muujinayaa halka ay ka taagan tahay dowlada Soomaaliya arimaha magaalada Kismaayo oo ay dad badan oo Soomaaliyeed ku jaaw wareersanaayeen go’aanka dowlada ee ku aaddan shirka Kismaayo iyo doorka ay ku leedahay.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...