Monday, 4 March 2013

Kulan Jubbaland lagu taageerayo loogana soo horjeedo Cunaqabateynta Hubkoo Somaliya laga qaado oo Garoowe ka dhacay (Sawirro).



Garoowe (RBC RADIO) Xarunta Gobolka ee Magaalada Garoowe waxaa lagu qabtay Kulan ay soo Abaabuleen  Waxgaradka ku dhaqan Magaaladaasi  oo isugu jira Nabadoono Ganacsato Haween iyo Dhalinyaro waxayna ku taageerayeen Maamul u samaynta Jubbooyinka iyo Shirka ka furmay Kismaayo iyagoo dhanka kale kaga soo horjeestay in Cuna qabateenta Hubka ee Soomaliya Saaran la qaado iyagoo taasi ku tilmaamay hadii ay dhacdo in Qolo gaar ah loo xaqgliyay  sida ay hadalka u dhigeen.

Nabadoon Khaliif Aw Cali oo Madasha ugu horeyn ka hadlay wuxuu qiray in ay raacsanyihiin Soomaaliya oo midowdo laakiin ma raacsanin buu yiri in la carqaladeeyo Dad ka tashanaya aayahooda dambe wuxuuna ugu Baaqay Dowlada Somaliya in ay ka fiirsato Arimaha Jubbooyinka aysanah ku degdegin in ay kasoo horjeesato.

“ Dowladu waa nasiib daro in ay isu keeni weydo Gobolada Dalka sidoo kalena ay Mucaarado dad danahooda raacanaya  taasi waxaan u arkaa gardaro aan geed loogu soo qaban, anaga Shirka Jubbooyinka ka socda waan taageereynaa hiil iyoo hooba waan la garabtaagan nahay Qofwalbana ha ogaado in Puntland marnaba aysan faarujin doonin garabka Jubbaland, sidaana waxaa yiri Nabadoon Khaliif.

Waxaa kulanka intuu socday Waxgaradkii raga iyo Haweenka isugu milnaa ee Goobta ka hadashay ay sheegeen in Dowlada Soomaaliya ay ka gaabisay si waynna u hagratay dhismaha Maamul u samaynta Jubbooyinka ayna taageerin sidoo kale dadkii iskood isku abaabulay ee ku fikiray in ay Hogaan yeeshaan kuwaasi oo aan helin waajibaadkii Dowladnimo ee laga filayay in ay ka helaan Xukuumada Soomaaliya.



Sidoo kale Waxgaradku waxay ka hadleen arimaha ka qaadista cunaqabateynta Hubka  waxayna beesha Caalamka ka  codsadeen in ay in Soomaali aan hub laysugu dhiibin iyadoon la helin dib u heshiisiin dhab ah iyo hanti isu celin oo ay sii dheertahay In layska xaal mariyo wixii dhacay, dadka qaar ee madasha ka hadlay ayaa sida ay hadalka u dhigeen tilmaamay in la doonayo Hubka la codsanayo in lafasaxo dib loogu lagu Gumaado Soomaali kale balse aysan qorshuhu ahayn in Soomaali idil ahaan Cadawga looga difaaco sidaa darteedna aysan shacbigu  u dhamayn in Cunaqabataynta hubka Xiligan la qaado oo ay tahay talaabo sii hurineysa marxalada adag ee uu iminka dalka hooyo ku  suganyahay iyagoo Dowlada Soomaliya ugu baaqay in Maamul Goboleedyada Hoos yimaada ay la tashi la sameyso ayna tixgelinta siiso sidii dalka iyo dadka soomaaliyeed kalsoonidii ka dhexjirtay dib loogu soo celin lahaa intii ay ku mashquuli lahayd kala firdhintooda sida ay hadalka u dhigeen.
 
Shirkan ayaa sida la sheegay waxaa soo abaabulay Waxgaradka Magaalada Garoowe waxaana goob joog ka ahaa shirka  oo lagu Casumay Gudoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Kan degmada Garoowe balse wax hadal ah halkaasi kama aysan soo jeedin, waxaana kulankan uu ku labo noqonayaa mid dhigiisa ah oo lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug kaasi oo lagu taageeray Jubbaland loogana soo horjeestay Sida dowlada Soomaliya uga gaabisay ka qayb qaadashada Maamul u samaynta Goboladaasi.




Ibraahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Garoowe.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...