Dhuusamareeb(RBC Radio) R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon iyo wafti uu hogaaminayo oo maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaaradaha Dhuusamareeb wafti R/wasaaraha ay kamid ahaayeen wasiiro ka tirsan xukuumadiisa ayaa dadweynaha magaaladaas goob fagaare ah kula hadlay.
R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon ayaa sheegay in si weyn loogu soo dhaweeyey isagoona shacabka uga mahad celiyey sida diiran ay usoo dhaweeyeen bulshada iyo maamulka magaalada Dhuusamareeb isagoona ku tilmaamay in soo dhaweynta ay u muujiyeen shacabka reer Galgaduud uusan hore uga arag magaalooyinkii uu booqashada ku tagay.
Cabdi Faarax Shiirdoon oo ka hadlayey fagaare ku yaala magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay gacan buuxda siin doonto maamulka culima’udiinka ahlu sunna waljamaaca ee ka arimiya qeybo kamid ah gobolka Galgaduud,R/wasaare Saacid ayaa ahlu sunna ku amaanay doorkii ay ka qaateen dagaalka lagula jiro ururka alshabaab.
Wasiirka koowaad ee xukuumada Soomaaliya ayaa ballan qaaday in dowlada Soomaaliya ay dhabarka u ridan doonto Tababarka,mushaharaadka iyo qalabeynta ciidamada ahlu sunna ee ku sugan gobolka Galgaduud,wuxuuna tilmaamay in dowlada Soomaaliya ay ka go’antahay iney wada shaqeyn dhow la yeelato maamulka ahlu sunna waljamaaca.
Socdaalka R/wasaaraha ayaan ilaa hada si rasmi ah loo shaacib balse waxaa xusid mudan in dowlada Soomaaliya ay maalmihii danbe ku hawlaneed iney maamulo kumeelgaar ah u samayso gobolada dalka waxaana suurta gal ah in Safarka R/wasaare Saacid ay ka mid tahay maamul loo sameeyo gobolka Galgaduud iyadoona ay arintaa ka dhawaajiyeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo kasoo jeeda G/Galgaduud markii ay kasoo noqdeen socdaal ay halkaa ku tageen.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho
No comments:
Post a Comment