Tuesday 5 January 2010

Bosaso: Puntland oo sheegtay in dadka sameeya falalka amaan daro ay udhasheen deegaanada Puntland badankoodu.

5. januar 2010

Boosaaso(AllPuntland)- Dawladda Puntland oo marar badan ku eedaysay Kooxo Argagixiso ay ku sheegtay in ay ka dambeeyaan falalkii amni daro ee ka dhacay mandiqada Puntland, ayaa sheegtay in ay talaabooyinkaasi ahaayeen kuwa laga abaabulay deegaanada Puntland, oo ay fuliyeen dad udhashay Puntland.

Wasiirka Amniga ee Puntland oo ka hadlayay magaalada Boosaaso ayaa shaaciyey 90% dadka sameeya falalka amaan daro ay ka soo jeedaan deegaanada Puntland, isagoo tibaaxay in ay kiisas badan oo ay baareen ay soo galeen gudaha deegaanada Puntland.

Jeneraal C/laahi Siciid Samatar wuxuu tibaaxay in aysan dawladda Puntland cidna ugu tureyn dambigeeda, isagoo sheegay in ay hada hayaan dad udhashay Puntland oo falal amaan daro ka fulinayay deegaanada Puntland, qaarkoodna lugu soo qabtay tuhumo kala gedisan.

Saraakiisha amaanka ee loo xilsaaray baaritaanada qaraxyo iyo dhibaatooyin horay uga dhacay deegaanada Puntland ayaa horay ugu sheegay APL in aysan arrimuhu ka lug baxsaneyn gudaha Puntland, iyagoo sheegay in ay jiraan Siyaasiin doonaysa in ay xagal daaciyaan howlaha Maamulka Madaxweyne Faroole.

Wasiirka amniga ee Puntland wuxuu tibaaxay in ay jiraan shaqsiyaad udhashay Puntland oo doonaya amaan la’aanta Puntland, isagoo nasiib daro ku sheegay in qof udhashay Puntland uu manta daneeyo horumar la’aanta Puntland, isagoo kula taliyey dadka rayidka ah in ay qeyb wanaagsan ka qaataan lashaqeynta ciidamada amaanka ee Puntland oo uu sheegay in ay wadaan howlgalo lugu xaqiijinayo amaanka Puntlandm oo carabaabay in la doonayo in khal-khal lagaliyo.

Lama sheegin shaqsiyaadka Siyaasiinta ah ee lugu eedaynayo arrimahan, balse Wasiirka amniga ee Puntland wuxuu sheegay in ay digniino gaarsiiyeen, oo ay la socdaan dhaqdhaqaaqyada ay wadaan, wuxuuna ugu baaqay in aysan marnaba ku talin wax carqalad ku keenaya hanaanka Maamulka ee Puntland iyo dibu dhaca Shacabka Puntland ee Soomaaliyeed.

Puntland ayaa marar badan ku eedaysay falalkii ugu dambeeyey ee ka dhacay gudaha Puntland, kuwa ay soo maleegeen kooxo ay ku sheegtay Argagixiso, iyadoo aan cid gaar ah farta ugu fiiqin, balse shaqsiyaad ku jira dawladda Puntland ayaa ku eedaynayay in ay arrimahan qeyb ku leeyihiin Al- Shabaab, balse xogaha dawladda ee baaritaanadii la sameeyey ka soo baxay ayaa cadeeyey in ay lugta ugu badan leeyihiin Siyaasiin Puntland udhashay.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...