Saturday 13 February 2010

Addis Ababa: Ahlu Suna iyo dawladda KMG ah oo isku mari wada xaajoodyadooda Addis Ababa….WARBIXIN….

  Addis Ababa(AllPuntland)- Mudo laga joogo Labo todobaad ka hor ayay ahayd markii ay bilowdeen wada xaajoodyo hoosaadyo udhaxeeya dawladda KMG ah ee Soomaaliya, oo maamusha 2 KM oo ka mid ah magaalada Muqdisho oo ay ku ilaaliyaan ciidamada AMISOM ee Midowga Africa iyo Ururka Ahlu Suna Waljameeca oo gacanta ku haya gobalka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya, iyadoo ay wada hadaladan ahaayeen kuwa Saxaafada laga qariyey, balse iska soo baxay, markii ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan dhinacyadan kala gedisan.

Raga ukala jooga dhinacyada ayaa kala ah dhinaca dawladda KMg ah ee Shariif Sheekh Axmed hogaamiyo, waxaa ujooga Wasiirka Maaliyada Shariif Xasan Sheekh Aaden, oo la rumeysan yahay in uu yahay nin aad ugu dhaw Madaxweyne Shariif, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta C/risaaq Cismaan Xasan oo isna aad ugu dhaw Raysalwasaaraha iyo Lataliye sare oo ka socda Madaxweyne Shariif ahna Mudane baarlamaan Musfate Dhuxulow, halka dhinac Ahlu Suna aan laga heyn war badan cida ujoogta wada hadalada, balse uu wafdigooda hogaaminaya Macalin Maxamuud Sheekh Xasan.

Qodobada laga wada hadlay oo badankoodu ahaan Siyaasada iyo Milateri, ayaan si wanaagsan laysku raacsaneyn, waxaana qolo kastaa ay wadataa qorshe iyo Ajende ugaar ah, kaas oo aan la garan Karin sida ay iskugu afgaran karaan qodobadaasi.

APL ayaa war ay ka heshay magaalooyinka Caabudwaaq, Addis Ababa iyo Muqdisho, ay sheegayaan in aan lafileyn in hada la saxiixo heshiis toos ah oo ay dhinacyadu ku midoobayaan, balse la rajeynayo oo kaliya in uu noqdo wada hadal aan miro badan ka soo hoyan.

Dawladda Itoobiya oo la rumeysan yahay in ay ayadu agaasintay gogasha, ayaan meesha ka mareyn, waxaana la xaqiijiyey wada hadalada badankooda in ay joogeen Saraakiil ka tirsan dawladda Itoobiya, oo dhinacyada ukala dabqaadayay.

Shaqsiyaad katirsan Aqalka Madaxtooyada ee Soomaaliya oo ay APL la xariirtay ayaa usheegay in uu Madaxweyne Shariif, rajo wanaagsan ka qabo in ay Ahlu Suna soo raacdo hogaanka dawladda uu ka yahay Madaxweynaha, balse rag badan oo ka mid ah kooxdan lama dhacsan dhaqdhaqaaqyada Shariif, waxa ayna uarkaan nin ka soo horjeeda danahooda iyo Maslaxadooda, maadaama uu marar kala gedisan siyaabo kala gedisan uga hadlay xaaladahooda.

Ahlu Suna dhexdeeda warar laga helay ayaa sheegaya in ay dhinacyadu si wanaagsan uga tashan wada hadalada Addis Ababa, ayna jireen khilaafaadyo udhaxeeya Ahlu Suna, gaar ahaana cida maamusha hogaanka Ahlu Suna Waljameecah, taasoo keentay dood hor leh oo caqabad ku noqotey go’aan laga gaaro shirka magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Lama garan karo waxa ka soo bixi doono hadalka Addis Ababa, iyadoo ay dhinacyadu kala qaban xasaasiyad adag, oo aan noqon Karin mid ay si deg deg ah ku ilaawaan, maadaama ay mudo dheer kala shakisanaayeen, sidoo kalena ay wali jiraan qodobo aad loogu kala fog yahay oo ay ka mid yihiin dhinacyadu cida ay taageerada ka helayaan, oo ay qolo kastaa rabto in ay dhinaceeda wadato.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...