Saturday 13 February 2010

Israel : “ Dagaalada Soomaaliya waxa ay ka socdaan oo kale Ciraaq, Shiishaan iyo Afkaanistaan, Laakiin Israel waxa ay taageersan tahay dawladda KMG ah iyo AMISOM” Diblumasi uhadlay Maamulka Yahuuda.

Israel(AllPuntland)- Maamulka Yuhuuda ee dhibaatada ku haya Shacabka Falastiin ee Muslimiinta ah ayaa ka hadlay xaaladaha ka taagan dalka Soomaaliya, gaar ahaana arrimaha ku wajahan dagaalada udhaxeeya dawladda KMG ah oo taageero ka helaysa Reer galbeedka iyo Kooxaha Islaamiyiinta ah oo ka soo horjeeda, oo ayana helaya taageero wanaagsan.

Afhayeen uhadlay Wasaaradda arrimaha dibada ee Maamulka Yuhuuda ayaa sheegay in aad uga xun yihiin dagaalada Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay dagaaladasi yihiin kuwa la mid ah kuwa ka socda Ciraaq, Afkaanistaan iyo Shishaan, oo uu sheegay in ay wadaan dadka ugu yeeray in ay yihiin Mintidiin diidan in ay qataan mawqifyada Reer galbeedka.

Sarkaalkan ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadu wuxuu tilmaamay in ay Israel ahaan taageersan tahay ciidamada AMISOM iyo dawladda KMG ah ee Soomaaliya, isagoo sheegay in ay tahay sababta ay utaageerayaan in ay aqoonsan tahay Qaramada Midowbay, wuxuuna cadeeyey in la taageero maamulkaasi.

Arrimaha gooni-isku taaga Somaliland oo uu soo qaaday Sarkaalkaas ka tirsan Maamulka Yuhuuda ayaa sheegay in ay la dhacsan yihiin arrinataasi, wuxuunaba sheegay in ay diyar uyihiin in ay aqoonsi buuxa siiyaan Somaliland, waa sida uu hadalka udhigaye, isagoo tibaaxay in ay Somaliland gaartay horumar wanaagsan.

“ Somaliland horay ayaan usheegnay in aan noqon doono dawladda koowaad ee aqoonsata, markaas wax dhib ah kuma jabna hada ayaan ku dhawaaqnay go’aankeena” Ayuu yiri Afhayeenkan uhadlay Maamulka Yuhuuda.

Sababta keentay aqoonsiga Somaliland, waxaa ka soo baxaya warar kala gedisan, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in ay Yahuuda doonayaan in ay saldhigyo Milateri ka dhistaan gobalada Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya, taasoo keeni karta dagaalo cusub oo ka bilowda gobaladaas, maadaama dadka Soomaaliyeed oo ah dad muslimiin ah ay aad uga careysan yihiin dhibaatada ay Shacabka Falastiin ku hayso Maamulka Yahuudu.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...