Saturday 13 February 2010

Muqdisho: “ Waa beenayaal kuwa jooga Dekeda, Garoonka iyo Vila Soomaaliya, waan kala wareegaynaa goobahaasi” Afhayeenkii hore ee Xarakada Al- Shabaab. 13. februar 2010

Muqdisho(AllPuntland)- Xarakada Al- Shabaab ayaa shaaca ka qaaday in ay diyaar utahay ka jawaabida weerar kasta oo uga yimaada dhinacyada ka soo horjeeda ee iskaashanaya, waxa ayna sheegeen in ay hada Al- Shabaab diyaar uyihiin in ay weerar adag ku qaadan ciidamada AMISOM iyo ciidamada dawladda KMG ah ee Soomaaliya.

Salaadii Jimcaha ka dib ee magaalada Muqdisho, oo uu hadal dheer ka jeediyey Afhayeenkii hore ee Dhaqdhaqaaqa Al- Shabaab Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abu-Mansuur) ayuu sheegay in ay AMISOM iyo dawladda KMG ah yihiin cadowga umada Islaamka ah iyo kan Soomaaliyeed.

Sheekh Muqtaar wuxuu soo qaaday madaafiicda waa weyn ee lugu garaaco goobaha ay degan yihiin dadka rayidka ah, wuxuuna sheegay in ay masuuliyadaas leeyihiin AMISOM, oo uu sheegay in ay yihiin gaalo ku soo duushay Soomaaliya, isagoo ku baaqay dagaal looga saarayo Soomaaliya.

Afhayeenkii hore wuxuu sheegay in waxyaabaha maanta ka dhacaya Muqdisho, aysan aheyn wax cusub balse horay loo sheegay, isagoo sheegay in ay AMISOM ku soo duushay Kitaabka Quraanka Kariimka ah, waa sida hadalka udhigaye, ayna doonayaan in ay Soomaaliya ka hirgaliyaan Dastuur ay soo qoreen dad ay saaxiibo yihiin ama isku qolo yihiin, oo ula jeeday Reer galbeedka.

“ Maalin kasta waxaad arkaysaan duqeymaha ay AMISOM ku hayso Shacabka Soomaaliyeed ee Islaamka ah, waad arkaysaan meesha lageeyey Islaamka, waad arkaysaan waxa ku dhacaya Walaalaha Islaamka, meel kasta oo ay joogaan, hada waxaa loo diyaar garoobay Iska difaacida Gaalada iyo kuwa la socda, waxaana Muslimiinta aduunka oo dhan go’aansadeen in ay difaacaan Kitaabka Alle, oo ay noqdaan Mujaahidiin utaagan Shareecada Islaamka in ay meel sare gaarto, kana soo horjeestaan wax kasta oo dhibaato ku haya Kitaabka Alle iyo isku xukunkiisa” Ayuu yiri Afhayeenkii hore ee Xarakada Al- Shabaab.

Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abu-Mansuur) oo hada la rumeysan yahay in uu hogaamiyo cutubyo ka tirsan ciidamada Al- Shabaab, ayaa sheegay in ay ka saari doonaan AMISOM magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay ka saareen dalka ciidamadii dawladda Itoobiya, oo uu sheegay in ay ku joogeen tiro aad ubadan, laakiin ugu dambeyntii ay dhacday in ay iskaga baxaan Soomaaliya.

Hadalka ka soo baxay Xarakada Al- Shabaab ayaa ku soo beegmaya xili uu horaantii bishan dagaal iclaamiyey Madaxweynaha dawladda KMG ah Shariif Sheekh Axmed, balse uu hadalkaasi ka laabtay Wasiiru dowlaha gaashaandhiga ee dawladda KMG Yuusuf Maxamed Siyaad, oo sheegay in aysan qaadi doonin wax weerar ah, markii ay Al- Shabaab ka jawaabeen iclaamkii dagaal ee Madaxweynaha dawladda KMG ah.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...