Saturday 13 February 2010

Galgala: “ Madaxweynaha iyo dawladdiisa halkan Galgala ayay imaan markii uu yimaado dalka” Mid ka mid ah Duqowda dhaqanka ee Sanaag bari oo sheegay in ay guuleysteen wada hadaladii Galgala. 10. februar 2010

Galgala(AllPuntland)- Mid ka mid Odayaasha dhaqanka ee deegaanka Galgala, kana mid ahaa ka qeybgalayaashii wada xaajoodyadii dawladda Puntland iyo Odayaasha dhaqanka ee Sanaag Bari ayaa sheegay in ay guuleysteen wada hadaladii dawladda iyo Odayaasha, isla markaasna ay hada meel wanaagsan marayaan qodobada ay dhinacyada ka wada hadlayaan.

Nabadoon Max’uud Siciid Nuur wuxuu tibaaxay in ay meel wanaagsan hada gaartay xaajadu, isla markaasna ay dhinacyadi isku afgarteen qodobadii laga wada hadlay dhamaantood, ayna dhiman yihiin qodobo yar-yar oo ay howshooda hada ay ku jiraan.

Mar ay APL weydiisay Odaygaasi, bal in uu tafaasiilaad ka bixiyo qodobada lugu guuleystay, ayuu sheegay in laysku raacay in ay Beesha Sanaag bari qeyb weyn ku yeelato sugida amaanka ee Puntland, in ay gacanta dawladda ku soo hubsato cid kasta oo lugu tuhmayo amaan daro, In dawladda iyo Hogaamiye Atam la raadiyo wadiiqo ay kuwada xaajoon karaan iyo qodobo kale.

Nabadoonkan ayaa sheegay in ay dhamaantood guuleysteen qodobada laga wada hadlay, isla markaasna ay casumeen Madaxweynaha dawladda Puntland iyo Xukuumadiisa oo dhan, oo ay la kulmi doonaan, iyagoo ku qaabili doono deegaanka Galgala, oo ahayd halka ay wada hadaladu ka socdeen, marka uu Madaxweynaha Puntland dib ugu soo laabto deegaanada Puntland.

Madaxweynaha iyo Odayaasha Sanaag Bari ayaa saxiixi doona heshiis rasmi ah oo wax badan ka badalaya xiriirka dawladda Puntland iyo Odayaasha dhaqanka ee Sanaag bari oo maalmihii ugu dambeeyey madow-madow udhaxeeyey, markii ay Odayaashu saluugeen talaabooyin ay qaadeen qaar ka mid ah Madaxda dawladda Puntland ee Soomaaliya.

Guuleysiga wada hadalada Galgala ee uu sheegay Nabadoonkaas, waxaa xaqiijiyey Duqa Galgala oo la hadlayay Saxaafada Cali Maxamed Gurxan, wuxuuna tibaaxay in ay wada hadaladaasi najaxeen ayna dhowrayaan oo kaliya Madaxweynaha dawladda Puntland imaanshihiisa dalka iyo booqashadiisa Galgala.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...