Wednesday 10 February 2010

Al Shabaab oo sheegatay Mas’uuliyadda Qarax lala eegtay Ciidamada AMISOM magaalada Muqdisho.

Muqdisho (RBC Radio):-Ururka Al Shabaab ayaa Caawa sheegtay Mas’uuliyadda qarax xoogan oo galabta lala eegtay Xerada Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Xeradii Hore ee Tababarka Xalane agagaarka Garoonka diyuuradaha magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage Cali Dheere oo Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in Weerar qarax oo ay ku qaadeen fariisinka AMISOM ay ku dileen ku dhawaad 10 Sarkaal oo katirsan AMISOM sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage Cali Dheere oo Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in Weerar qarax oo ay ku qaadeen fariisinka AMISOM ay ku dileen ku dhawaad 10 Sarkaal oo katirsan AMISOM sida uu hadalka u dhigay.

Al Shabaab waxay sheegtay in si xirfadaysan u qarxisay Hool ay ku nastaan Saraakiisha Ciidamada AMISOM oo ku yaal xerada Xalane “Mujaahidiinta ayaa qarax qaabaysan la beegsaday meel ay ku Raaxaystaan Saraakiisha AMISOM, taliyaal muhiim ah ayaan ka dilnay dib ayaanan faah faahinta kasoo sheegi doonaa”ayuu yiri Cali Dheere.

Afhayeenka Cali Dheere wuxuu kale oo uu faah faahin ka bixiyay qarax khasaara ugaystay Ciidamo dowladda katirsan oo maanta lagula eegtay degmada X/jajab wuxuuna sheegay in weerarkaas ay Shabaab gaysteen.

Dhinaca kale Afhayeenka Ciidamada AMISOM Bariijiyo Bahuuko oo saxaafadda lasoo xariiray ayaa arrinkaas Beeniyay wuxuuna Shabaab ku tilmaamay koox waalan.

“Afhayeenka Shabaab waa mid sarqaadsan marka uu saxaafadda lahadlayo, waa Beentood wax weerar ah nagumasoo qaadin, Dagaal warbaahinta ah ayay Shabaab isticmaalayaan”ayuu yiri Bahuuko.

Xaaladda Muqdisho ayaa Caawa degan waxaana siweyn loo hadal hayaa qaraxyadii maanta ruxay magaalada Muqdisho.

Ramadaan Sheekh Mohamed RBC Muqdisho Somalia

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...