Wednesday 10 February 2010

Khasaara Culus oo Shacabka Rayidka ah kasoo gaaray Duqaymo Muqdisho laysku dhaafsaday.

Muqdisho (RBC Radio):-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Madaafiic culus oo Galabta laysku dhaafsaday magaalada Muqdisho kuwaasi oo u dhexeeyay Xoogaga Islaamiyiinta ah iyo Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho, madaafiic culus oo kusoo dhacday duuqa Bakaaraha iyo meelo kale oo Muqdisho katirsan ayaa Khasaara culus dhalisay.
Inta la ogyahay 16 qof oo rayid ah ayaa geeriyootay tira kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii ay madaafiic culus kusoo hoobatay Suuqa Bakaaraha iyo wadada Wadnaha oo ah meelo ay shacabku ku badanyihiin.

Madfac kusoo dhacay Suuqa Bakaaraha qaybta Badarka ayaa sababay geerida 5 qof oo ahaa ganacsato u badan Haween iyo dhaawaca 10-kale, daqiiqado kadib ayay Madaafiic kale kusoo dheceen qaybo suuqa Bakaaraha katirsan waxaana halkaasi ka dhashay Musiibo kadib markii uu Madfac ku habsaday gaari BL ah oo ay la socdeen Dad Rakaab ah oo xiligaas suuqa kasii caraabayay.

Madaxa Gaadiidka Gurmadka deg dega ah Cali Muuse Cabdi ayaa xaqiijiyay in ay dhaawacyo gaaraya 30 qof ka daad gureeyeen Suuqa Bakaaraha iyo deegaanada ku xeeran, Madfaca ugu khasaaraha badan ayaa ku dhacay Wadada Wadnaha halkaas oo ay ku dhinteen Shacab Rakaab ah oo saaraa gaari BL ah oo kusii jeeday xaafadda Sanca degmada Kaaraan.

Sidoo kale duqaymaha ayaa saamayn ku yeeshay degmooyinka Huriwaa,Yaaqshiid iyo Kaaraan oo ay ku dheceen madaafiic dhalisay khasaare isgu jirta dhimasho iyo dhaawac, shacabka Muqdisho ayaa dhibaata weyn ku qaba duqaymaha ay magaalada isku dhaafsadaan xoogaga isku diidan siyaasadda.

Ramadaan Sheekh Mohamed RBC Muqdisho Somalia

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...