Monday 1 February 2010

Baladweyn: Odayaasha Hiiraan oo eedeeyey dawladda Itoobiya.

dweyne(AllPuntland)- Odayaasha dhaqanka ee gobalka Hiiraan oo shirk u qabtay magaalada Baladweyne ayaa ku eedeeyey dhinacyo ay sheegeen in aysan diidan yihiin horumarka gobalka Hiiraan, in ay leeyihiin Masuuliyada dagaalada ee lugu hayo gobalkaas, iyagoo ku baaqay in ay joojiyaan dagaaladaasi, iyagoo ula jeeday dhinacyada la dhacsan Siyaasada dawladda Soomaaliya.

Odayaashan ayaa sheegay in aysan dadka Hiiraan ubaahneyn, ayagoo sheegay in ay aad uga xun yihiin dagaaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay magaalada, oo ay eediisa saareen dawladda Itoobiya, oo ay sheegeen in ay soo abaabushay.

Odayaasha kulmay oo ay ku jiraan xubno horay utaageersanaa dawladda KMG ah ee Soomaaliya, ayaa tibaaxay in ay lama huraan tahay in laga shaqeeyo sidii loogu gargaari lahaa dadkii ka baxay magaalada, markii ay dhaceen dagaalada ba’an ee udhaxeeyey kooxaha iska soo horjeeda.

Nabadoon Maxamed Cabdi Yuusuf oo uhadlay Nabadoonadan ayaa sheegay in aad uga xun yihiin dagaalada iyo weerarada uu sheegay in ay qorshaheeda leedahay dawladda Itoobiya, oo uu shegay in ay taageero siinayso dad uu sheegay in aysan dooneyn horumarka gobalka Hiiraan.

“ Cid dagaal diyaar u ah ma rabno, gobalkaan nabad ayuu ubaahan yahay, waxaana hada uu heystaa waa nabadgalyo, isagoo nabdoona Itoobiya ayaa ku soo duushay oo soo adeegsatay shaqsiyaad udhashay gobalka Hiiraan, hadana waxaan leenahay joojiya dagaalada aad abaabuleysaan” Ayuu yiri Nabadoonkan oo umuuqday mid aad uga soo horjeeda ciidamada dawladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Suna oo weerar ku qaaday magaalada Baladweyne bishii aynu ka soo gudubnay.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...