Monday 1 February 2010

Sirdoonka Ethiopia & Mareykanka oo Baaritaano Ka Sameeyey Laascaanood iyo Isgaarsiintii Magaalada oo Qeyb La Xanibay (Warbixin)

Laas Caanood, (RBC Radio) Ilo wareedyo muhim ah oo ku sugan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa shaaca ka qaaday in baaritaano xoogan oo ka socday maalmahan magaalada ay ku lug lahaayeen xubno ajnabi ah oo ka socda sirdoonka dalka Ethiopia iyo kuwa Mareykanka.

Ilo wareedkan oo aan dooneyn in la magacaabo ayaa RBC Radio u sheegay in baaritaanada oo laga sameeyey qeybo ka mid ah magaalada Laascaanood looga dan lahaa in lagu ogaado raadka ama salka waxyaabo qarxa oo toddobaadkan lagu beegsaday masuuliyiin ka tirsanaa maamulka gobolka Sool ee Somaliland.

Xubno ka mid ah waaxda dembi baarista ee Somaliland CID ayaa horey u waday baaritaano lagu waday walxaha qarxa oo laga soo qabtay gudaha magaalada Laascaanood, waxaana baaritaanadaasi ay socdeen toddobaadkii la so dhaafay.

Mid ka mid ah saraakiisha booliska ee ka hawlgala magaalada Laascaanood ayaa xaqiijiyey in baaritaanadan ay ku soo bireen xubno ajnabi ah oo ka tirsan sirdoonka Ethiopia iyo Mareykanka kuwaasi oo ka soo galay magaalada Laascaanood dhinaca magaalada Hargeysa.

Xubnaha ka tirsan sirdoonka Ethiopia iyo Mareykanka oo wada jira ayaa sida xgtu tilmaameyso ka soo kicitimay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia waxayna magaalada Laascaanood u yimaadeen si ay uga qeybqaataan hawlgalada baaritaanada ee lagu ogaanayo waxyaabaha qarxa ee laga heley magaalada Laascaanood.

Il wareedyadan ayaa qeexaya in xubnaha ajnabiga ay guud ahaan dhamaayeen 4 ruux oo isugu jira Ethiopian iyo Mareykan iyo 2 nin oo dhalashadoodu tahay Soomaali kuwaasi oo iyaguna kala yimid xubnaha ajnabiga dhinaca Addis Ababa.

Warar RBC Radio ka heley saraakiisha booliska oo gebi ahaan ka gaabsaday in magacyadooda la xigto ayaa tilmaamaya in xubnaha sirdoonka ee Ethiopia iyo Mareykanka ay ka qeybqaateen baaris saddex maalin ka hor lagu sameeyey gurigii uu deganaa gudoomiyihii gobolka Sool ee Somaliland Farax Askar Xuseen kaasi oo maalintii Khamiistii [28-Jan-2010] ee todobaadkii hore ku dhaawacmay qarax lala beegsaday gurigiisa.

Labo maalmood ka dib ayaa waxyaabo kale oo qarxa laga heley bannaanka guriga Faarax Askar, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha booliska.
Dhaawaca Faarax Askar oo aad u cuslaa ayaa lagu daweynayaa isbitaalka magaalada Burco.

Waxyaabahaasi qarxa ayaa dhamaantood baaritaano ku sameeyeen xubnaha sirdoonka ajnabiga ah ee soo gaaray magaalada Laascaanood.

Joogitaanka xubnaha sirdoonka ajnabiga ah waxay ku soo beegantay iyadoo uu magaalada joogay wasiirka arimaha gudaha Somaliland C/laahi Ismaaciil Cirro, waxaana ilo wareedyada aan helnay muujinayaan in xubnahan ajnabiga ah ay la socdeen wasiir Cirro isagoo ka soo kexeeyey hotel ku yaalla magaalada Hargeysa oo ay xubnahan ku soo degeen.

Isgaarsiinta oo La Xanibay

Dhinaca kale waxaa wareegto ka soo baxday wasaarada isgaarsiinta iyo boostada Somaliland lagu xanibay isgaarsiinta mobile-ka iyo khadadka internet-ka ee shirkadaha ka hawlgala magaalada Laascaanood si aysan u arbushin baaritaanadan.

Waxa sidoo kale maamulka gobolka Sool ku dhawaaqay bandow lagu soo rogay magaalada Laascaanood xilliga habeenkii. Bandowgaasi oo ka bilaabanaya 8:00 fiidnimo illaa 5:00 aroornimo.

Amarka lagu xanibay isgaarsiinta mobile-ka iyo internet-ka Laascaanood waxaa uu soo baxay maalintii Sabtida [30-Jan-2010] xilligaasi oo xubnaha sirdoonka ee ajnabiga ku sugnaayeen gudaha magaalada Laascaanood.

Wasiirka boostada iyo isgaarsiinta Somaliland Cali Sandulle oo horeyna u ahaa gudoomiyaha gobolka Sool oo soo saaray amarka lagu xanbay isgaarsiinta ayaa sheegay inay uga gol leeyihiin si amaanka magaalada loo sugo isla markaana boolisku u soo helaan dadkii ka dambeeyey qaraxii gudoomiyaha gobolka Faarax Askar. Laakiin Cali Sandulle waxa uu diiday inuu wax faahfaahin ka bixiyo sirdoonka ajnabiga ee joogay Laascaanood.


Cali Sandulle
Ilo wareedyadan ayaa RBC Radio u sheegay in ujeedada bandowga iyo xanibaada lagu soo rogay isgaarsiinta mobile-ka iyo internet-ka Laascaanood ay ahayd iyadoo masuuliyiinta Somaliland ka cabsi qabeen in weeraro qaraxyo ah lala beegsado xubnaha ajnabiga ah ee sirdoonka Ethiopia iyo Mareykanka ee yimid magaalada.

Maamulka Somaliland ayaa aaminsan in qaraxyada qaarkood ay soo maleegaan ururka Al Shabaab iyadoo ay sidoo kale jiraan xubno degaanka ah oo diidan siyaasada Somaliland kuwaasi oo qaraxyada qaar wax laga saarayo, waxaana saraakiisha wasaarada arimaha gudaha hore ugu eedeeyeen in qaraxyada yihiin kuwo maamulka Somaliland lagu diidan yahay.

Ciidanka Somaliland ee jooga magaalada Laascaanood ayaa todobaadkii tagay xirxiray dad ka badan 60 ruux oo ay ku jiraan dhalinyaro iyo haween, wararka qaarna waxay sheegayaan in sidoo kale dadka la xiray ka mid yihiin odayaal reer Sool ah kuwaasi oo looga shakiyey inay ku lug leeyihiin qaraxyada ka dhacay Laascaanood.

RBC Radio oo arimahaasi wax ka weydiisay xubno ku sugan Laascaanood ayaa sheegay in dadka qaarkiis la siidaayey maalmo ka dib markii lagu waayey tuhunkii loo qabtay halka dadka qaarna weli ay ku xiran yihiin labo saldhig oo ka tirsan Laascaanood.

Amaanka magalaada Laascaanood ayaa sii xumaanayey bilihii lu dambeeyey, iyadoo qaraxyo is daba jog ah lala beegsaday saraakiil ka tirsan ciidamada, xarumaha booliska iyo masuuliyiinta gobolka taasi oo ka dhigtay in maamulka Somaliland ahmiyad weyn siiyo xaalada Laascaanood.

Waxaa taasi dheer in markale todobaadkii la soo dhaafay uu sare u kacay kacdoonka looga soo horjeedo maamulka Somaliland ee ay wadaan waxgaradka iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Sool, waxaana maalmo ka hor degaanka Holhol oo 70 km u jirta Laascaanood lagu soo afmeeray shir ay lahaayeen odayaal iyo waxgarad reer Sool ah.

Shirkaasi oo ay ka qeybgaleen garaadada ugu caansan gobolka ayaa looga arinsanayey masiirka siyaasadeed ee gobolka taasi oo maamulka Somaliland uu markale ka carooday.

Si kastaba xaalada Laascaanood ayaa hadda ah dareenka koowaad ee Somaliland iyadoo dhinaca kalena ay soo badanayaan weerarada qaraxyada ah ee sida tooska loogu beegsanayo xubnaha maamulkaasi ka jooga Laascaanood.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...