Sunday 7 February 2010

Ciidamo Itoobiyaan oo wata gaadiidka dagaalka iyo kuwa Somali ah ayaa maanta soo gaaray degmada Ceel-barde ee gobolka Bakool

Cutubyo ka tirsan ciidamada Itoobiya oo ka soo talaabay xadka Somalia ayaa lagu soo waramayaa iney soo gaareen degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool, iyadoo ay la socdaan maleeshiyo Soomaali ah oo tababar ku soo qaatay dalka Itoobiya.

Sida dadka deegaanku ay sheegayaan ciidamada Itoobiya ayaa wata gaadiid fara badan oo nooca dagaalka ah, waxayna fariisin ka dhigteen deegaano ku yaala duleedka degmadaasi oo illaa iminka ay joogaan.

Warka ayaa intaa ku daraya in sidoo kale ciidamada Itoobiya ay halkaasi ka qabqabteen tiro ka mid ah dhalinyarada reer deegaanka inkastoo markii dambe ay intooda badan sii dayaeen markii ay ku baxeen waxgaradka deegaanka.


Ilaa hadda lama oga sababaha ay ciidamada Itoobiya u soo gaareen deegaanka Ceelbarde iyo illaa xiliga ay sii joogayaan hase ahaatee waxay ku soo beegmeysaa xilli maamuladii DF ee looga awood roonaaday gobolada Bay iyo Bakool oo ku sugan degmada Doolow ay ay ku hanjabeen iney dib u qabsan doonaan goboladaasi.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...