Sunday 7 February 2010

Xarakada Shabaab oo Maanta degmo cusub ku soo kordhiyey Gobolka Hiiraan

Kulan aad u balaar oo ka dhacey deegaanka Ceel Cali e gobolka Hiiraan ayaa Kadib waxaa looga dhawaaqey in ay Degmo noqoneyso ka tirsan Hiiraan manta wixii ka danbeeya loona aqoonsadey xiligaan

Kulanka ayaa waxaa soo qabanqaabiyey Odayaasha Degmada cusub iyo Xarakada Mujaahidiinta Al- shabaab masuuliyiinta ugu sareysa dhinaca Gobolada iyo siyaasada oo uu ka midyahey Sheekh Xuseen Cali Fiidow oo aha masuulkii ku dhawaaqey in ay degmo tahey hada wixii ka danbeya Ceel Cali gobolka Hiiran hoostagta

Kulankaan Balaaran ee saacadaha badan qaatay intii aan lagu dhawaaqin ayaa waxaa markii danbe manta dhankooda ka Hadley ayakuna odayaasha degaanka Waxgarad, Culumaa’udiinka Degmadaas Cusub.

Sababaha loogu aqoosadey Degmada ayaa la sheegay in ay tahey ka dib markii ay buuuxisey sharuudihii ay ku noqonlahey Degmo oo kala ah adeegayada kala duwan ee looga baahnaa oo kala ah sida Iskuulaad, goobo Caafimaad iyo isgaarsiinta intaba iyo waliba wadooyinka soo gala, baaxada dhulka iyo deeganada hoosyimaada intaba

Waxaan halkaasi ka hadaley Oday Axmed Aadan oo ku hadalayey magaca dad Degaanka oo halkaasi ka sheegay in ay sugayeen mudo dheer in lo magacaabo degmo Ceeli Cali Mantna ALLAAH mahadiis ay Tahey in logau dhawaaqey taasana ay tahey hada wixi ka danbeeya in ay ku tageeraan Islaamka.

Degmada Cusub ee Ceeli Cali oo ay magacaaben Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa dhacda xadka Hiiraan iyo Bakool bartamahooda waxana ay dacalka ku heysaa Degmada Tayeglow ee gobolka Bakool, isla markaasna waxa la sheegay in ay hoosyimadaan in ka badan 10 tuulo oo si aada uga fogfog qaarkood

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...