Tuesday 2 February 2010

DEG DEG: Keydkii Shidaalka Suuqa Bakaaraha oo Caawa Basbeelay iyo Hotello ku gubtay Dabka.

Waxaa sii xoogaystay Dabkii xooganaa Ee Caawa Fiidkii ka kacay gudaha Suuqa Bakaaraha magaalada Muqdisho waxaana lagu Jiha wareersanyahay sababta keentay in Dabkaasi kaco.

Shabakadda RBC oo Noqotay shabakadii ugu horaysay ee soo tebisa Warka ku saabsan Dabka Suuqa Bakaaraha ayaa Goordhaw soo xaqiijisay in Dabku uu xoogaystay islamarkaana lala’yahay wax Booyado ah oo Dabka lagu demiyo.

Shirkadaha Isgaarsiinta Hormuud iyo Telcom Somalia oo haysta Dab Damisyo ubadan Booyadu waxaana noola xaqiijiyay in ay diideen in ay ka qayb qaataan Daminta Dabka.

Waxaa la arkayaa Holac iyo Qaraxyo ay samaynayaan Fuustooyin Shidaal ah oo aad u gubanaya, Hubanti la’aan ayaa ka taagan sababta Dabka keentay.

Abwaab Abshir Bacadle oo katirsan ganacsatada Suuqa ayaa sheegay in dhibaatadu ay tahay Ganacsatada oo iska diiday in ay Bixiyaan Zakada oo Waajib ku ah Dadka Hantida leh.

Dabka ugu daran waxuu ka socdaan Busteejada degmada Jilib iyo inta u dhaxaysa Hotel Kismaayo oo sida daran ugu Basbeelay Caawa.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...