Tuesday 2 February 2010

Sarkaal ka tirsan Kaambooniyiinta oo Beeniyay in ay Al Shabaab La Midoobeen

Saraakiil katirsan Mucaskarka Raas Kaambooni ayaa Sheegay in ay Been abuur tahay in ay Lamidoobeen Xarakada Al Shabaab oo loolan weyn kula jirto Xisbul Islaam iyo Dowladda KMG ah.

Afhayeenka Mucaskarka Raas Kaamboni Barre Cali Barre oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa wax kamajiraan ku tilmaamay Hadal shalay Kasoo baxay Xarakada Alshabaab ee ku aadanaa in ay Midoobeen Alshabab iyo Raas kaambooni isagooni intaasi raaciyay in aysan waxba kala socon arrintaas oo ay idaacadaha oo kaliya kamaqleen.

Barre Cali Barre ayaa intaasi sii raaciyay in Mucaskarka Raas kaambooni uu horay ula Midoobey Ururka Xisbul Islaam ragii shalay mesha ka hadlayna ay ahaayeen Rag horay Shabaab ugu biiray ” Afar Nin oo sheegatay in ay Matalaan Raas kaambaooni ayaa sheegay in ay shabaab lamidoobeen ragaasna anaga nama matalaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Barre.

Barre ayaa sidoo kale saxaafada u sheegay in ay soo dhaweeynayaan haddi ay midoobayaan Al Shabaab iyo Xisbul Islaam balse ayagu ay katirsanyihiin Xisbul islaam ” Shacabka Soomaaliyeedna waxaan ushegeyna in nimankii shalay idaacadaha laga maqlayay ay ahaayee kuwo horay shabaab ugu biiray”

Barre Cali Barre ayaa horay uga mid ahaa Saraakiishii Raaskaambooni ee Muqdisho soo gashay xiligii uu socday dagaalkii ay Kooxaha Islaamiyiinta ah kula jireen Ciidankii Itoobiya ee Muqdisho joogay.

Hadalkan kasoo yeeray Afhayeenka Mucaskarka Raas Kaambooni ayaa imaanaya Xilli Maalintii shalay aheyda Magaalada Baydhaba uu kusoo gabagaboobay Kulan auy ku midoowayeen Xarakada Al Shabaab iyo Raaskaambooni.

Ururka Xisbul Islaam ayaa u muuqda in uu laba Garab ukala jabay kadib markii ay isku khilaafeen qaabka ay usii jirayaan waxaana muuqata kala aragti duwaanisho u dhaxaysa labada Kooxood ee wada Mucaarasan Dowladda KMG ah.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...