Tuesday 2 February 2010

Soomaali Laga Soo Tarxiilay Kenya iyo Sacuudiga oo Soo Gaaray Muqdisho

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho soo Gaaray Dad Soomaaliyeed oo laga Soo Tarxiilay Wadamada Sacuudiga iyo Kenya kuwaasi oo in mudda ah ku dhibaataysnaa xabsiyada wadamadaasi.

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ayaa maantaWaxaa soo caga dhigatay Diyaarad Siday dad Soomaaliyeed oo laga soo musaafuriyay Kenya iyo Sacuudiga kadib markii ay Dhowr Maalmood Maxaabis ku ahayeen Xabsiyo kuyaala Wadamadaasi.

Ugu Yaraan Boqol Qof oo isugu Jira Rag iyo Dumariyo Caruur Soomaaliyeed ayaa Maanta Soo gaaray Muqdisho kuwaas oo lagasoo Tarxiilay Wadanka Sacuudiga oo ay ku joogeen sida lasheegay Sharci darro Maadaama ay Horay uga Carareen Soomaaliya Dagaalada aan dhamaadka laheyn ee kajira oo ay u Tahriibeen Sacuudiga sida uu sheegay mid kamid ah Dadkii maanta laga soo tarxiilay Sacuudiga oo lagu magacaabo Cabdi Yuusuf Aadan.

Sidoo kale 8 Haween ah iyo 1 Rag ah oo lagasoo Tarxiilay Kenya ayaa iyana Muqdisho ay keentay Dayuurad Rakaab ah Kuwaasoo sheegay In kudhawaad 20 Maalmood ay kujireen Xabsi kuyaala Magaalada Nairobi isla markaana loo geystay Jirdil aad uxoogan iyagoona intaasi sii raaciyay in Ciidamada Amaanka Kenya ay si arxan darro ah kula dhaqmaan Maxaabiista Soomaalida ah ee kujira Gacantooda.

Ciidamada Dalka kenya ayaa Maalmihii lasoo dhaafay Xabsiyada dhigayay Dadka Soomaaliyeed ee Jooga Wadankeeda kadib markii ay sheegeen in ay Kabaqayaan in Alshabaab ay halkaasi ka sameystaan Saldhig Qarsoodi ah oo ay ku weeraraan Safaaradaha kuyaala Magaaladaasi Nairobi wadankaasi Kenya.

Ramadaan Sheekh Mohamed RBC Muqdisho Somalia
Ramadaan@raxanreeb.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...