Tuesday 2 February 2010

Sheekh Aweys oo Qiray in Sheekh Xasan Turki Shabaab ku Biiray Eedayna u Jeediyay Al Shabaab

Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa Goordhaw soo gaba gabeeyay shir Jaraa’id oo uu uga hadlayay arrimo dhowr ah oo ku aadan Somalia.

Sheekh Xasan daahir Aweys oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay in Sheekh Xasan Turki oo ahaa K/xigeenkiisii 1-aad uu la Midoobay Al Shabaab.

Xasan Daahir wuxuu cadeeyay in saraakiil muhiim ah oo Xisbul Islaam katirsanaa ay la midoobeen shabaab wuxuuna ku Eedeeyay Shabaab in ay Ciidamadii Islaamiyiinta kala qaadeen.

Gudoomiyaha Xisbul Islaam wuxuu ku dhaliilay Ururka Al Shabaab in ay si xeeladaysan ukala furfureen Saraakiishii iyo Ciidamadii Xisbul Islaam.

Hadalkan kasoo yeeray Sh Xasan Daahir ayaa Liddi ku ah War uu isla maanta jeediyay Taliye Ciidan oo katirsan Xisbul Islaam oo beeniyay in Kaambooniyiinta shabaab la midoobeen, Ururka Xisbul Islaam ayaa u muuqdo in uuu sii kala Burburayo marka loo Eego qaab siyaasadeedka ay Shabaab kula tacaamulayaan.

RBC kala soco wixii soo kordha

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...