Tuesday 2 February 2010

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Mashaariic Horumarineed Ka Heshay Beesha Caalamka

Cawil Maxamuud Cabdi
RBC Radio, Gaalkacyo
Cawil@raxanreeb.com

Muqdisho (RBC):- Dawladda Federaalka Kumeelgaarka Soomaaliya ee fariisinkeedu yahay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ay heshay balan qaadyo caalami ah oo ay u fidiyeen wadamada beesha caalamka qaarkood, iyo Hay’ado caalami ah.

Balan qaadyadani ayaa ah mashaariic horumarineed oo dawladda loogu yaboohay, isla markaana loo marsiin doono Wasaarada Qorsheynta Qaranka Dawladda Federaalka, sida laga soo xigtey Sarkaal sare oo Wasaaradaasi ka tirsan.

Mashaariicdani la siinayo Dawladda Federaalka ayaa lagu sheegay in ay ugu waaweyn yihiin dhismaha iyo dayactirka xarumaha Dawladda, iyo taageerida in maamul goboleedyo laga hirgaliyo gobolada Dalka Soomaaliya.

Wasiiru dawlaha Qorsheynta Qaranka C/laahi Shiikh Cali ayaa sheegay in ay balan qaadyada mashaariicdaasi ay ka heleen wadamada Beesha caalamka qaarkood iyo Hay’ado caalami ah, gaar ahaan waxaa uu si toos ah u sheegay mas’uulkaasi in UNDP iyo Midowga Yurub qeybta dhaqaalaha ay ka yimaadeen balan qaadyadaasi.

Mr, C/laahi waxaa uu intaa ku daray in dhowaan kulan ay ku yeesheen magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu ahaa mid hordhac u ah shir la filayo inuu ka dhaco caasimada England ee London, halkaasi oo bartamaha sanadkan lagu qaban doono kulan lagu taageerayo Dawladda Federaalka, isla markaana lagu siinayo dhaqaale horumarineed.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...