Tuesday 2 February 2010

Hoggaamiye sare oo ka tirsan Xarrakatul Shabaab oo shaaciyay in ururkoodu uu si rasmi ula midoobay Shabakadda Al-Qaacida

Talaado 2, Feb, 2010 (HOL) Sheekh Fu'aad Max'ed Khalaf oo ah hoggaamiye sare oo ka tirsan Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa ku dhawaaqay in ururkiisu uu ku biiray Shabakadda Al-Qaacida ee uu hoggaaminayo Sheekh Osama Bin Laden.

Hoggaamiyahan wuxuu hadalka sheegay isagoo ku sugan Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, wuxuuna xusay in dagaallada ay wadaan labadan dhinaca ay mideyn doonaan.

"Go'aakeenna waa inaan Mideyno Mujaahidiinta isla markaana aan dagaallada Bariga Afrika ka socda ku baahinno caalamka oo dhan, aana qayb ka qaadanno xoreynta dadka Islaamka ah ee caalamka innagoo ka mid ah Al-Qaacida" ayuu yiri Sheekh Fu'aad.

Ma'suulkan wuxuu sheegay inuu hoggaamiye rasmi ah u yahay Sheekh Osma Bin Laden, ayna isaga amarka ka qaadanayaan, isagoo xoojiyay hadal uu horay u sheegay Sheekh Abuu-Subeyr oo ah hoggaamiyaya Xarrakatul Shabaab oo ahaa inay daacad u yihiin Sheekh Osma Bin Laden.

"Waxaa naga go'an inaan dhisno xukuumad Islaami ah" ayuu yiri Sheekh Fu'aad oo intaas ku daray: "Mujaahidiinta oo dhan waxaan doonaynaa inay noqdaan hal xoog oo muuqda".

Xarrakatul Shabaab ayaa waxay la midowday Kooxda Raaskambooni oo ka mid ahaa Xisbul Islaam, iyadoo mas'uuliyiin uu ka mid yahay Sheekh Xasan C/llaahi Xirsi (Sheekh Xasan Turki) ay goobjoog ka ahaayeen saxiixa heshiiskaas iskaashi.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...