Thursday 11 February 2010

Dowlada Soomaaliya oo Beenisay Jiritaanka Qorshe Dagaal oo Ka Dhan ah Al Shabaab

Wasiirka Amniga DKMG

Muqdisho, (RBC Radio) Saraakiisha amaanka ee dowlada Soomaaliya ayaa ku celceliyey inuusan wax qorshe ah oo ay ku talagaleen inay dagaal ku qaadaan kooxaha mucaaradka ee ka soo horjeeda.

Wasiirka amniga C/laahi Maxamed Cali ayaa sheegay in wararka ku saabsan in dowladu ay qaadeyso dagaal xoogan oo ka dhan ah kooxaha mucaaradka aysan xaqiiqo ahayn, isagoo sheegay in kooxaha ka soo horjeeda ay buunbuuniyeen wararkaasi.

Afhayeenka ciidanka militariga ee dowlada Maxamed Kaalmoy ayaa isaguna sheegay in wararka sheegaya in dowladu ay dagaal qaadi doonto ay yihiin kuwo ay Al Shabaab ku baneysaneyso si ay weeraro ugu qaadaan xarumaha ciidamada ka dibna uu iska hor imaad khasaare

u geysta rayidka uu dhaco.Waxaana afhayeenka uu intaa raaciyey in dowladu ay heysato ciidan ku filan haddii ay u baahato dagaalna aysan cidna weydiin doonin.

Wasiirka dowlaha gaashaandhiga Yuusuf Siyaad Indha Cadde oo isaguna ka hadlay wararka ku saabsan xaalada dagaal ee ay haataan gashay magaalada Muqdisho ayaa beeniyey in madaxda dowldu ay go’aamiyeen wax dagaal ah, wuxuuna sheegay in dowladu iska difaaceyso ciddii soo weerarta.

Hadalada beeninta ah ee ka soo yeeray saraakiisha amaanka u qaabilsan dowlada ayaa soo baxay xilli caasimada Muqdisho ay ka dhacayso dabeysha dagaalka kaasi oo ay labada dhinac ee dowlada iyo mucaaradkuba si weyn ugu diyaar garoobeen.

Dhaqdhaqaaqyada ciidamada hubeysan iyo gaadiidka dagaalka ayaa laga dareemaya qeyb kasta oo ka mid ah Muqdisho, sida uu soo sheegayo wariyaha RBC Radio oo saaka soo dhexmarey qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho.

Dad badan ayaa sidoo kale bilaabay inay ka qaxaan xaafadihii hoey loo deganaa sida degmada Madiina oo dadkii ka cararay dagaalada horey ugu qexeen, taasi oo muujineysa xooganaanta cabsida dagaalka ee ka taagan magaalada Xamar.

Wariyaasha ayaa sheegaya in xiisada hadda taagan ay tahay midii ugu cusleyd ee weligeed laga dareemo Muqdisho.

Dhinaca kooxaha mucaaradka ayaa sheegaya inay iyagu u diyaar garoobeen weerar ay sheegeen in dhinaca dowlada kaga soo socdo.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...