Thursday 11 February 2010

Al Shabaab oo Faah Faahisay Ciidamo dhawaan Muqdisho kusoo qul-qulayay Magac cusubna u bixisay

Muqdisho (RBC Radio):-Ururka Al Shabaab ayaa markii ugu horaysay ka Hadlay qul qulka Ciidan badan oo Habeenadii lasoo dhaafay kusoo qul-qulayay magaalada Muqdisho xilli dowladad KMG ah ay dhankeeda u diyaar garoowday Dagaal ka dhan ah xoogaga Mucaaradka ah ee kasoo horjeeda.

Afhayeenka Al Shabaab Cali Dheere ayaa xaqiijiyay in Kumanaan Askari oo dhawaan tababaro kusoo qaatay Koonfurta Somalia ay soo galeen magaalada Muqdisho dhawaana ay qaadi doonaan Howlgal ka dhan ah Dowladda KMG ah iyo AMISOM sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan umadda ugu bishaaraynaynaa in Magaalada ay soo gashay Guuto Mujaahidiin ah oo lagu magacaabo Khaalid Bin Waliid, guutadaas dhawaan ayay tababaro kusoo qaadatay Gobalada dalka waana la arki doonaa waxqabadkeeda”ayuu yiri Cali Dheere.

Afhayeenka Al Shabaab wuxuu sheegay in Guutadan cusub ee Khaalid Bin Waliid ay ka hortegi doonto weerarada ay soo wadaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada KMG ah sida uu hadalka u dhigay.

Warar Madax banaan oo ay heshay RBC ayaa xaqiijinaya in Ciidanka magaalada soo galay ay kasoo kala bexeen 4-Xeroo oo xiradiiba kasoo baxday 300 oo Askari, Ciidamadan ay Shabaab ku faantay ayaa habeenadii lasoo dhaafay qul-qulkooda laga dareemayay wadooyinka soo gala magaalada Muqdisho.

Dadka ayaa rumaysan in Ciidamadan soo galay magaalada Muqdisho u jeedkoodu yahay sidii ay Mucaaradku isaga yarayn lahaayeen culaysyada kasoo wajahaya AMISOM iyo dowlada KMG Somalia.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...