Thursday 4 February 2010

General Galaal Muxuu u tegay G/gaduud arrin Qaran Mise Mid Qabiil (Warbixin).

RBC (Guriceel):-Gobalka Galgaduud oo ay ka jiraan dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo aad u xoogan waxaa isku haysta Ururka Ahlusuna iyo Al Shabaab waxaana bilihii lasoo dhaafay ka socday dagaallo qaraar oo dhinacyadaasi u dhexeeyay.

Shalay gelinkii dambe waxaa degmada Guri Ceel gobalkaasi gaaray Wafdi balaaran oo kasoo duulay magaalada Nairobi wadanka Kenya, sida aan helnay Wafdiga waxaa Hogaaminayay General Max’med Nur Galaal oo ah Ruug cadaa Ciidan.

Wafdigan uu Hogaaminayay Galaal waxay u yimideen Gobalka Galgaduud weli saxaafadda looma shaacin waxaase lahadal hayaa in ay u yimideen sidii ay u xoojin lahaayeen Awoodda Ururka Ahlusuna ee dagaalka loolanka ah kula jira Islaamiyiinta.

Wararka Guriceel nagasoo gaaraya ayaa xaqiijinaya in kulamo muhiim ah ay Guri kuyaal Bariga degmadaasi ku leeyihiin saraakiil katirsan Ahlusuna iyo General Maxamed Nuur Galaal oo la sheegay in ay lasocdaan Saraakiil katirsan hay’adaha UN-ka ee fariisinka ku leh magaalada Nairobi.

General Max’med Nuur Galaal oo kamid ahaa saraakiishii Ciidanka xoogga Somalia ee lagu tiriyaa in uu ka qayb qaatay dagaaladii Sokeeye ee ka dhacay Somalia wixii ka dambeeyay Burburkii dowladii dhexe.

Galaal oo qabiil ahaan kasoo jeedo Guri Ceel iyo Dhuusamareeb ayaa larumaysanyahay in uu kaalin weyn kulahaa abaabulka Ururka Ahlusuna oo Awoodda Ururkaas ay Majaraha u hayso Beesha uu kasoo jeedo Galaal waxayna hada u muuqataa in uu abaaabul ka dhan ah Al Shabaab iyo Xisbul Islaam.

General Galaal waa Khabiir Meleteri wuxuu Jihayn dhanka Istiraatiijiyadda ah siin karaa Ururka Ahlusuna oo Muddo sanad ah kadib aan Guulo muuqdo ka keenay.

Ururka ehla suna wal jameecah ayy is hortaagay isbalaarinta ay wadeen Al Shabaab kadib markii ay dagaalo badan kula galeen Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Shir Sanadkii Hore ay Dowladda KMG ah iyo Mareykanka Washington uga Fureen Saraakiishii Hore ee Qaranka Somalia ayuu Cambaareeyay kuna Tilmaamay Mid qabiil taas oo uu ku diidayay dowladda lamana oga in General Galaal uu arrin qabiil u tegay Galgaduud.

Si walba oo ay ahaato haddii General Galaal qayb ka noqdo dagaalada ka socda Gobalada Dhexe waxay caqabad weyni ku noqon kartaa kooxda Al Shabaab

Jamaal RBC Radio Somalia

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...