Wasiirka Beeraha Dowladda Federaalka Somalia Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa saxaafadda magaalada Muqdisho u sheegay in maalmo kooban ay dowladda KMG ah ku qabsan doonto dhamaanba gobalada dalka oo ay maamulaan Islaamiyiin.
Xaabsade wuxuu si gaar ah u carabaabay Gobollo ay maamulaan dhaq dhaqaaqa Al Shabaab oo dalka soo geliyay Ajaanib sida uu hadalka u dhigay.

“Maalmo yar baan ku qabsanaynaa dalka Somalia gaar ahaan gobalada ay maamulaan kooxaha cadawga ku ah Danta Umadda Soomaaliyeed,waxaan shacabka u sheegayaa in dowladu soo dhamaystirtay Ciidan iyo Hub ku filan oo ay dalka ku qabsato”ayuu yiri Xaabsade.
Mr.Xaabsade ayaa soo hadal qaday in gobalada ay weerarayaan uu kamid yahay gobalka uu kasoo jeedo ee Bay “Dhamaan dowladu way la wareegaysaa gobalada lahaysto sida Bay,Bakool,Kismaayo iyo meelo badan dagaalkaas aan qaadayno maalin kabadan qaadan maayo”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xaabsade
Hanjabaadaha madaxda dawlada ka soo baxaya ayaa ayaamahaan danbe sii labalixaadsaday iyada oo laga cabsi qabo in dagaalo fara looga gubto uu ka dhex bilaabmato magaalada caasimada ah ee muqdisho
Ramadaan Sheekh Mohamed RBC Muqdisho Somalia
No comments:
Post a Comment