Friday 5 February 2010

Gudoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo Ka Warbixiyey Khasaarihii Dabkii Ka Kacay Suuqa (Dhageyso Wareysi)

Muqdisho, (RBC Radio) Wareysi RBC Radio la yeeshay Gudoomiyaha Guddiga Ganacsatada ee suuqa Bakaaraha magaalada Muqdisho Cali Maxamud Siyaad Cali Dheere ayuu faahfaahin ka bixiyey dab xaley ka kacay qeybo ka mid ah suuqa Bakaaraha halkaasi oo hanti ay ku burburtay.


Cali Dheere waxa uu sheegay in dabkaasi uu ahaa mid si fudud ku bilawday isla markaana uu sababay khasaare xoogan oo isugu jira hanti u badan shidaal iyo guryo waxaana sida uu sheegay Cali Dheere hadda socda qiimeyn ay ku wadaan inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha.

Mar RBC Radio weydiiyey gudoomiyaha ganacsatada suuqa Bakaaraha inay jiraan khasaare nafeed oo ka dhashay dabkaasi ayuu sheegayinuusan jirin cid ku dhimatey hase ahaatee ay jiraan dad afar qofood ah oo dhaawacyo ka soo gaareen dabka.



Gudoomiyaha ganacsatada waxaa uu tilmaamay in shirkada isgaarsiinta Hormud ay ka qeybqaadatay deminta dabkii ka kacay suuqa kaasi oo haddii an si deg deg ah loo demin lahayn geysan lahaa khasaare ka badan inta uu hadda geystey.

Gudoomiyaha ganacsatada suuqa Bakaaraha Cali Maxamud Siyaad oo ka jawaabayey su’aal ahayd in suuqa uusan lahayn wadooyin taasina ay inta badan dhaliso inaan loo soo gurman suuqa marka uu dab sidan oo kale kaco ayaa waxaa uu qiray in arintaasi jirto hase ahaatee haatan la qorsheynayo in la furo wadooyinka suuqa.

Waxaa uu gudoomiyuhu ugu baaqay ganacsatada iyo suuqleyda ka shaqeysatada suuqa Bakaaraha inay ku dadaalaan sidii suuqa loogu yeeli lahaa wadooyin loo soo maro si loo badbaadiyo hantida taalla suuqa ee malaayiinka doolar gaareysa.

Mar RBC Radio weydiisay haddii uu jiro wax gurmad ah oo ganacsatada ka soo gaarey dhinaca dowlada ku meel gaarka ah ama kooxaha kale eek u sugan Muqdisho ayuu sheegay in ganacsatadu aysan shaqo ku lahayn siyaasad isla markaana aaney waxba ka helin dhinacyada siyaasada.

Gudoomiyaha ganacsatada suuqa Bakaaraha waxaa uu sheegay in hadda ka dib ay ka taxadari doonaan in laga gaashaanto haddii dab sidan oo kale mar kale uu ka dhaco suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn wadamada Bariga Afrika isla markaana ay taalo hanti badan oo ay leedahay ganacsato Soomaaliyeed.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...