Friday 5 February 2010

Somaliland oo Sheegtay in Dagaal Dhexmarey Ciidankeeda iyo Burcad Badeed Heysata Markabka Libya

Hargeysa, (RBC Radio) Saraakiisha ka tirsan maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in uu isku dhac dhexmaray ciidankooda iyo koox burcad badeed ah oo heysata markab laga leeyahay dalka Libya hase ahaatee ku gooshayey calanka dalka Waqooyiga Korea.

Sarkaal magaciisa ku sheegay C/risaaq Yuusuf oo ku sugan degaanka Ceelafweyn ayaa sheegay in isku dhacani uu ka dhacay meel duleedka ka ah degmada Laasqorey ee gobolka Sanaag.

sida uu sarkaalkaasi sheegay 1 askari ayaa ku dhintay mid kalena wuu ku dhaawcmay rasaastaasi dhexmartey ciidamada maamulka Somaliland iyo burcad badeeda.

Lama yaqaano sababta dhalisay isku dhacani, hase ahaatee waxaa uu ku soo beegmay iyadoo koox burcad badeed ah oo soo afduubay markab laga lahaa dalka Libya ay shaley keeneen xeebta degaanka Gacan oo qiyaastoo 70KM u jirta degmada Laasqorey.

Burcad badeeda ayaa markii dambe la sheegay inay markabka kala dhaqaaqeen xeebta degaanka Gacan iyagoo aan la ogeyn halka ay la adeen markabkan.

Degaanka Gacan oo ka tirsan degmada Laasqorey ayaa burcad badeedu hore u keeneen maraakiib ay soo qafaasheen sanadkii 2009.

Laasqorey waxay ka mid tahay deegaanada Bariga gobolka Sanaag ee ay ku muransan yihiin maamulada Puntland iyo Somaliland.

Kooxaha Burcad badeeda ee soo qafaalata maraakiibta waxay had iyo goor la doontaan maraakiibta ay qabsadaan meel gabaad u noqota oo ay ku heystaan maraakiibta isla markaana ay kaga qaataan madaxfurasho.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...