Wednesday 3 February 2010

Islaamiyiinta oo Gaashaanbuursanaya Beelaha Koonfurta Soomaaliya

Magaalada Muqdisho ayaa Maalmaha soo socda ama Bilaha soo socda geli doonto Jawi dagaaleed dhibaatadiisa leh marka loo Eego qaabka ay labada dhinac isugu Bira tumanayaan.

Dowladda KMG ah iyo Beesha Caalamka waxay dadaal ugu jiraan sidii meesha looga saari lahaa Xoogaga Islaamiyiinta ah ee dagaalka kula jira Dowlada KMG ah laakin waxaa arrinta Gacan bidixayna xulufo ay dowladu leedahay marka lagasoo tago islaamiyiinta.

Bilihii lasoo dhaafay Dhegaha Shacabka Miqdisho waxaa dhibtay Hanjabaadyo ay isku dhaafsanayeen Madaxda dowlada KMG ah & Kooxaha Islaamiyiinta ee mucaaradsan Dowlada Soomaaliya.

Islaamiyiinta ayaa sheegay in ay Dowlada kala wareegi doonaan degmooyinka ay Muqdisho ka joogto.

RW Cumar Cabdi Rashiid ayaa yiri “Islaamiyiinta waan Cirib tiraynaa wax walba oo awood ah waan diyaarsanay, dhawaan dalka oo dhan waan ka sifay doonaa”.

Sidoo kale Madaxweyne Shariif ayaa dhowr jeer ku celceliyay in Dowladiisu ay dagaal kula wareegi doonto gobalada iyo degmooyinka ay maamulaan xoogaga Islaamiyiinta Somalia.

Su’aasha isweydiinta leh ayaa ah Halkey kasoo askuntay awoodda xoogan ee sida weyn ugasoo horjeedo Dowladda KMG Somalia.

Ururka Al Shabaab oo ah midka ugu xooga badan Kooxaha Islaamiyiinta ah islamarkaana leh Hogaamiyayaal Fikirkoodu adag yahay wuxuu ku tiirsanyahay Beelo Mug weyn ku leh Soomaaliya dhaqaale ahaan iyo Siyaasad ahaanba.

Inkastoo ay adagtahay in Xogta Ururkaas oo dhamaystiran lahelo hadane marka aad eegto qaabka wax u socdaan waxaa kuusoo baxaysa in Ururkaasi ay Maalgashadaan Beelo Soomaali ah oo aan ismuujin in ay dhaqaale siiyaan.

Beesha Hawiye oo ah Beesha Faa’iidada badan iyo khasaarada badanba ku qabta Islaamiyiinta ayaa dhabarjab u ah jiritaanka iyo burburka Islaamiyiinta gaar ahaan Shabaab.

Ganacsatada waaweyn ee Muqdisho laga yaqaan midka ugu yar Bishii wuxuu Islaamiyiinta siiyaa lacag lagu qiyaasay 15-Kun oo Dollar ama wax intaas ka badan iyo waliba iyaga oo Howlo gaar ah ay dalka dibadiisa uga soo fuliyaan Al Shabaab.

Bal Eeg sida aan laqiyaasi karinee baaxada leh oo ay Shabaab u Naas nuujiyaan Murusade, Duduble, Saleebaan H.Gidir, Garre, cabsiiye Ceyr, Baadi Cadde, Gaaljecel, Cali Madaxweyne Xawaadle iyo jufooyin kale oo Hawiye ah.

Waxayna Beelahaasi yihiin kuwa Difaaca u ah Islaamiyiinta marka lag a hadlayo gobalada Hiiraan, Galgaduud, Banadir, Shabeelooyinka iyo xataa Jubbooyinka oo ay Hanti badan ku haystaan.

Al Shabaab kaliya ma ahan taageerada ay Beelahaasi siiyaan Islaamiyiinta waxay kale oo ay Gacan qabasho aan sidaasi u weynayn siiyaan Xisbul Islaam iyo Cid walba oo dowladda kasoo horjeedo.

Waxaa kale oo jira Beelo siweyn u Maal gashta Islaamiyiinta islamarkaana kaalin weyn ka qaadanaya in Awoodda Dowladda KMG ah aysan ku fidin gobalada iyo caasimadda.

Beelaha Digil & Mirifle, Sade, iyo Absame ayaa sidoo kale dhaqaale lagu bixiyey waxayna ku marti qaadeen islaamiyiinta deegaanadooda .

Dowladda KMG ah oo aqoonsi caalami ah ka haysata Beesha caalanka waxaa ka maqan aqoonsigii ay u hayeen Beelaha Soomaalida, waxaan aad u adag in Dowladu ka guulaysato dhinacyadaasi inta Beelaha Soomaalida ay maalgashanayaan Islaamiyiinta.

Dad badan ayaa isweydiinaya sababta ay Beelahaasi u taageerayaan dhinacyadaasi ay caalamku ku sheegaan Argagaxiso?

Jawaabta aad bay u adagtahay Islaamiyiinta waxay Beelaha ku beerlaxawsadaan oo ay u sheegaan in Nabad helayaan, Dowlad ay Beeluhoodana ka dhaxmuuqdaan dhisayaan, islamarkaana aysan jiri doonin takoorid beelaha dhaxdooda ah.

Qaar kamid ah balan qaadyadaasi ayay si ficil ah uga rumayeen oo waxa ay beelaha laga tirada badan yahay ee magaalooyinka Muqdisho, Marka iyo Kismaayo ayaad ku arkaysaa iyada oo Wiilal kasoo jeedo Beelaha laga tirada badan yahay Garbaashaya Dad Beel ahaan laga haybaysan jiray xiligii Hogaamiye kooxeedyada Inkasta oo Garbaashida iyo dhaqanka kooxahaasi aan waa wax wanaagsan ladhihi karin hadane waa tusaale dhanka Takoorka beelaha ah loosoo qaadan karo islaamiyiintuna taageero uga heleen gobalada ay xooga ku heystaan.

Hogaamiyaasha Islaamiyiinta iyo Hab qabaa’iladooda hadaan qaar ka muuqda ka soo qaadano waxa ay kala yihiin

Sheekh Mukhtaar Zubeyr: Beesha Direed
K/xigeeenkiisa Abuu Mansuur: Digil iyo Mirifle
Sheekh Fu’aad Maxamed Khalad: Daarood
Abuukar Zeylici: Dir
Mohamed Mumin: Hawiye
Sheekh Cali Dheere: Hawiye
Sheekh Cali Max’med Xuseen: Hawiye
Abuu Muslim: Digil iyo Mirifle
Ibraahim Sahal: Daarood
Sheekh Cumar: Daarood

Marka lagasoo tago Hogaamiyaasha Muuqda waxaa jira in Saraakiil Hoosaayadooda oo ah kuwa qabta shaqada ugu xoogan ay kasoo Jeedaan Koonfurta Dalka Somalia islamarkaana ay dhamaantood Cabsanyihiin afkaaro liddi ku ah Dowladda.

Dadka Indha Indheeye arrimaha Soomaaliya gaar ahaan beelaha dega Koonfurta ayaa aaminsan in ay Dowladda Shariifka aysan dagaal qur ah Natiija ka keeni doonin balse hadii cudud militari iyo mid dhaqaalaba adeegado ay dhici karto in uu kala fur furo Xarkaha laab laabadka badan oo ay Islaamiyiintu ka dhax sameysteen Beelihii ladegay Sharaftii iyo Qarankii Soomaaliya ee ku dhaqan qeybo kamid ah Koonfurta Soomaaliya.

Ramadaan Sheekh Mohamed Raxanreeb.com Muqdisho
Email: Ramadaan@raxanreeb.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...