Addis Ababa, (RBC Radio) Madaxweynaha dowlada ku meel gaarka Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa kulan magaalada Addis Ababa kula qaatay raisul wasaaraha dalka Ethiopia Melez Senawi.
Kulankan oo ka dhacay xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa ayaa madaxweynaha Soomaaliya iyo raisul wasaaraha Ethiopia waxay kaga wada hadleen arimaha amaanka ee Soomaaliya iyadoo ay xilligan jiraan dagaalo xoogan oo u dhexeeya mucaaradka iyo dowlada oo dalka ka jira.
Waxaa kulanka si gaar ah diirada loogu saareytaageerada Ethiopia ee dhinaca amaanka ay ka siiso dowlada Soomaaliya si ay uga adkaato mucaaradka.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markale ku celiyey baaq uu u jeediyey guud ahaan madaxda qaarada Afrika kaasi oo ku saabsanaa in laga qeybqaato sugida amaanka dalks iyo la dagaalanka kooxaha dowlada dagaalka ku haya ee ku sugan gudaha dalka.
Melez Senawi ayaa soo jediyey in taageero amaanka ah oo la siiyo dowlada aysan ku filnaan karin xaalada Soomaaliya hase ahaatee looga baahan yahay dowlada ku meel gaarka Soomaaliya inay bulshada kasbato waxaana Senawi uu ugu baaqay madaxweyne Shariif in uu soo jiito dadka Soomaalida ee nabada jecel si ay iyaga uga hortagaan kooxaha nabada diidan ee dagaalka wada.
“In laga shaqeeyo siyaasada dhinaceeda ayaa ka wanaagsan in markasta balanqaad loo sameeyo dowlada Soomaaliya”, ayuu yiri Melez Senawi oo la hadlay madaxweyne Shariif.
“Haddii ay midoobaan dhamaan kooxaha nabada jecel waxay ka hor iman karaan kuwa nabad diidka ah”, ayuu hadalkiisa ku daray.
Wada hadalkan dhexmaray madaxweyne Sheekh Shariif iyo Melez Senawi ayaa qeyb ka ahaa kulamo madaxweynaha Soomaaliya la qaatay madax kala duwan oo ka tirsan kuwa qaarada Afrika intii ay socdeen wada hadaladii ku saabsanaa qaarada ee looga hadlay shir madexeedkii 14aad ee Midowga Afrika oo lagu soo gabagabeeyey magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.
Ethiopia ayaa ah dal taageero badan siiya xukuumada ku meel gaarka Soomaaliya oo gudaha dalka kula dagaalameysa kooxaha mucaaradka waxaana Ethiopia sanadkii 2006 ciidankeeda u dirtay Soomaaliya si ay ula dagaalamaan ururkii maxkamadaha.
One Stop shop for Daily Digest - News, Views and analysis of the political developments of the Horn of Africa. Now you can follow by email alerts situated at the bottom. Please feel free to forward any item of interest - it is your blog too (Make it your Home Page)
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Why cows may be hiding something but AI can spot it
By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...
-
Wednesday, November 14, 2012 By Jonathan Kalan Kasim moves swiftly around the machine. Like a dancer, he has style, a unique way of p...
-
Washington, DC – Last month, President Sheik Sharif Ahmed appointed Mr. Mohamed Abdullahi Mohamed, a Somali¬American dual citizen, as the ne...
No comments:
Post a Comment