Friday 5 February 2010

Laascaanood: Somaliland oo sheegtay in qaraxii xalay dhacay uu fuliyey Nin isqarxiyey.

Laascaanood(AllPuntland)- APL ayaa heshay qoraal qoreen Wasiiro ka tirsan Somaliland, ayna doonayeen in ay maanta udiraan maamulkooda Sare, kaas oo ay uga hadlayaan qaraxii xalay ka dhacay magaalada Laascaanod, oo lala beegsaday Hotel ay degan yihiin Saraakiil baaraysa waxyaabo kala gedisan iyo Wasiiro ka tirsan maamulka la baxay Somaliland.

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in uu qaraxaasi fuliyey qof is qarxiyey, isla markaasna uu doonayay in uu galo gudaha Hotelka Xamdi, balse ay taasi ka biyo diideen Ilaalada Hotelkaasi, ka dibna uu is qarxiyey.

Nuqul ka mid ah qoraalka oo ay heshay APL ayaa sheegaya in uusan qaraxaas, waxba dhib ah geysan, oo aan ka aheyn bur-bur soo wajahay gudaha Hotelka meelo ka mid ah, isla markaasna ay hada baarayaan waxa ay tahay sababta qaraxaasi.

Hotelka ayaa la xaqijiyey in ay daganaayen maalmihii ugu dambeeyey Saraakiil ka socotay dawladda Itoobiya iyo Reer galbeedka, oo doonayay in ay caawiyaan Sirdoonka maamulka la baxay Somaliland.

Shalay ayay ahayd markii Taliyaha ugu sareeya ciidamada Maamulka La baxay Somaliland Jeneraal Nuux Taani uu sheegay in ay wajahayaan xaalado adag, oo uu sheegay in ay ku aadan tahay sidii ay wax uga qaban lahaayeen qaraxyada magaalada Laascaanood.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...