Friday 5 February 2010

Xarakada Al-Shabaab oo ka jawaabtay eedeeyn maalmo ka hor uga timid hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam Shiikh Xasan Daahir Aweys oo aheyd..

Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Shiikh Cali Maxuud Raage (Cali dheere) ayaa ka jawaabay eedeeymo maalmo ka hor uu u soo jeediyey Al-Shabaab gudoomiyaha Ururka Xisbul Islaam Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ahaa in ay uga baxeen balan ay dhigteen oo ah in dagaalyanada labada dhinac aan la kala wadanin ka dib markii uu soo baxay warka sheegaya in mucaskarka Raaskambooni oo ka mid ahaa xisbul Islaam ay ku biireen dhinaca Al Shabaab.

Waxa uu sheega Shiikh Cali dheere ineysan jirin wax balan ah oo iyaga xisbul Islaam ay wada galeen taasoo ku aadaneyd in labada dhinac aysan kala wadanin ciidamada, uusana ogeyna arintaas, wuxuuna intaa ku daray ineysan jirin wax khilaaf ah oo ka dhexeeya xarakada Al Shabaab iyo Xisbul Islaam ayna yihiin Mujaahiidiin walaalo ah oo isku meel uga soo wada jeeda hal safna kala dagaalamaya cadowga sida uu yiri.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Shiikh Cali Dheere iney magacaabeen guddi ka qeyb qaata sidii deeqo lacageed oo kaalmo ah loogu ururin lahaa dadkii ku hanti beelay dabkii habeen ka hore ka kacay qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho kuwaasoo xubnaha kui jira ay ka mid yihiin waaliga gobolka Banaadir ee Xarakada Al-shabaab Shiikh Cali Maxamed Xuseen iyo xubno kale oo ka tirsan xarakadaasi iyo culumaa’udiin Soomaaliyeed.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...