Saturday 6 February 2010

Saturday, February 6th, 2010 at 07:31 pm Dagaallo uu Hormuud u ahaa Sheekh Yuusuf Indha Cadde oo Galabta ka dhacay degmada Hodon Magaalada Muqdisho.

RBC (Muqdisho):-Dagaallo culus ayaa galabta magaalada Muqdisho ku dhaxmaray Xoogaga Islaamiyiinta ah iyo Ciidamada Dowladda KMG Somalia oo garabsanaya kuwa AMISOM Xilli dhaq dhaqaaqyo ciidan ay ka jiraan magaalada Muqdisho.

Iskahor Imaadyada oo ahaa kuwa culus ayaa la sheegay in ay si toos ah ugu dhexeeyeen Ciidan uu watay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Dowlada KMG ah Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde iyo kuwa kale oo taabacsan Ururka Xisbul Islaam.

Daryanka Madaafiic iyo Rasaas xoogan oo ay is dhaafsanayeen labada dhinac ayaa saamayn balaaran ku yeelatay Isku socodkii Gaadiidka dadweynaha ee isaga kala goosha Madiina ilaa iyo Suuqa Bakaaraha magaalada Muqdisho.

Ilo Xog Ogaal ah ayaa RBC u xaqiijiysy in Ciidanka dowladda ay weerarka ku qaadeen Fariisin ay Xoogaga Xisbul Islaam ku lahaayeen meel ku dhaw Carwadii Hore ee Qaranka degmada Hodon waxaana halkaasi ka dhacay dagaal aan la ogayn khasaara labada dhinac kala gaaray.

Rasaas Teel Teel ah iyo madaafiic ay labada dhinac is djaafsanayaan ayaa laga maqlayaa goobihii ay labada dhinac isku fara saareen,dagaaladan ayaa qayb ka ah dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay Ciidanka Dowlada KMG ah ka wadaan magaalada Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalka kadib ay xoogaga Islaamiyiinta ah Madaafiic u tuureen dhanka wadada shaqaalaha oo ay fariisin Ciidan ku leeyihiin Ciidanka Midowga Africa ee AMISOM loo yaqaan.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...