Sunday 7 February 2010

Muqdisho: DF iyo AMISOM oo isku afgaran la’a qaadida dagaalo lugu wajaho Al- Shabaab & Xisbul Islaam.

Muqdisho(AllPuntland)- Taliyaasha ciidamada ee dawladda KMG ah iyo AMISOM ayaa saacadihii lasoo dhaafay lahaa kulamo ay ku sheegeen kuwa looga tashanayo danaha dalka Soomaaliya, waxa ayna kulamadan ka dhaceen Aqalka Madaxtooyada iyo gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, sida ay APL usheegeen qaar ka mid ah shaqsiyaad aad ugu dhaw arrimahan.

Ujeedada shirarkan ayaa qeyb wanaagsan ka ahaa kulamo maalmihii ugu dambeeyey ay wadeen qaar ka mid ah Saraakiisha ciidamada ee dawladda KMG ah, kuwaas oo ay uga hadlayeen sida ugu macquulsan ee ay dagaal ula gali karaan Islaamiyiinta ka soo horjeeda dhinacooda.

Saraakiisha ka socda dalalka Ugandha iyo Burundi ee jooga Muqdisho, isla markaasna ilaalo ka haya xarumo ka mid ah magaalada Muqdisho, ayaa soo jeediyey in ay lama huraan tahay in la weeraro Al- Shabaab, iyagoo sheegay in loo baahan yahay in ay ciidamada dawladda KMG ah ay galaan dagaaladaasi, ka dibna ay caawiyaan oo ay ku taageeraan Madaafiicda waa weyn, taasoo keentay in ay noqoto mid ay ka biyo diidaan Saraakiisha dawladda KMG ah.

Goobjooge ku sugnaa madasha wada hadalada ayaa sheegay in ay Saraakiisha dawladda KMG ah ay ka biyo diideen in ay dagaal galiyaan ciidamadooda oo kaliya, waxa ayna sheegeen in looga baahan yahay AMISOM in ay daba socdaan ciidamadooda oo ay gacanta ku qabtaan meeshii laga qabsado xoogaga ka soo horjeeda.

Shirkan oo socday ilaa shalay ayaa qodobada ugu badnaa ee laga wada hadlay, sidoo kale waxaa ka mid ahaa qeybsiga jihooyinka dagaalada lugu qaadayo Al- Shabaab iyo Xisbul Islaam, waxaana la jeexay qariirado kala gedisan oo dhamaantood qeexaya waajibaad dagaal.

Lama garan karo sida ay ku afgaran karaan qaadida weerar dagaal, iyadoo ay ciidamada AMISOM tiro yar yihiin, isla markaasna ay sidoo kale heystaan amar ah in ay nabad sugaan oo aysan aheyn nabad dhaliyaal, taasoo ayana ay AMISOM ku sheegeen mida aysan weeradada lugta ah uqaadeyn.

DF ayaa maalmihii ugu dambeysay ku mashquulsaneyd qodobada ku wajahan weerar lugu qaado Al- Shabaab & Xisbul Islaam oo dhankooda cadeeyey in ay diyaar uyihiin ka jawaabida talaabo Milateri oo uga timaada AMISOM iyo ciidamada dawladda KMG oo ku kooban 2 KM oo ka mid ah magaalada Muqdisho.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...