Sunday 7 February 2010

Burcad Badeed Weerartey Saldhiga Dhexe Ee Magaalada Gaalkacyo.

Cawil Maxamuud Cabdi
RBC Radio, Gaalkacyo
Cawil@raxanreeb.com

Gaalkacyo (RBC Radio):- Malayshiyaad ka tirsan kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ah ayaa habeenimadii xalay fiidkii waxaa ay weerar ku qaadeen Saldhiga dhexe ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ee maamulka Puntland.

Burcadani ayaa waxaa ay wateen gaadiidka nooca yar yar oo sida la sheegay ka kooban ilaa iyo 2 gaari, waxaana saarnaa malayshiyaad, kuwaasi oo rasaas ooda uga rogay Saldhiga dhexe ee magaalada Gaalkacyo, waxayna kala kulmeen iska caabin xoog leh Ciidankii ilaalada ka ahaa Saldhiga.

Ma jirto cid ku dhaawacantey waxaana khasaare baaxad leh uu soo gaarey gaadiidkii ay wateen malayshiyaadku, waxaana sida ay sheegayaan ilo wareed xog ogaal ah la soo xirey ilaa iyo lix ka mid ah Burcad badeedii weerarka ku qaadey Saldhiga.

Wararku waxaa ay intaa ku darayaan dableydii Burcad badeeda ahaa ee weerartey Saldhiga ay doonayeen in ay xoog ku soo furtaan nin iyaga ka mid ah oo ay soo xireen ciidamada amaanka degmada Gaalkacyo, waxaana xilliga ay weerarka qaadayeen ay ahaayeen kuwa sakhraansan.

Fiidnimadii xalay ayaa xabadaha labada dhinac isweydaarsadeen waxaa ay in cabaar ah fajac gelisay dadweynaha magaalada, kuwaasi oo ku jahwareeray cidda ku dhex dagaalameysa magaalada gudaheeda.

Ma jirto cid ka hadashay arintaasi ilaa iyo haatan, waxaana booqday Saldhiga dhexe ee magaalada Gaalkacyo, xilligaasi oo uu horyaalo gaari nooca Maarkeedka loo yaqaan oo burbursan, darbi Saldhiga ka soo horjeeda oo burbursan oo uu gaarigu ku dhacay iyo rasaas farabadan oo ka muuqatey darbi Saldhiga, waxaana Saraakiisha ku sugneyd Saldhiga iyo Askartuba ay diideen in laga qaato wax Sawiro ah.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...