Sunday 7 February 2010

Booliska Gobolka Mudug Oo Soo Bandhigay Waxyaabaha Qarxa Oo Ay Soo Qabteen (Sawiro).








Gaalkacyo (RBC Radio):- Taliska Qeybta Booliska Gobolka Mudug ayaa maanta soo bandhigay waxyaabaha qarxa oo ay gacanta ku soo dhigeen Ciidamada amaanka Gobolka, xilli ay howl gal ka sameynayeen xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo.

Waxyaabahani qarxa oo cadadkooda uu ahaa 3 shey oo miisaankooduna ka kooban yahay ilaa iyo 15 kiilo ayaa waxaa Warbaahinta u soo bandhigay Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug G/sare Muuse Axmed C/raxmaan (Xasaasi).

Taliyaha Booliska Gobolka Mudug waxaa uu mahad celin balaaran u jeediyay Dadweynaha magaalada Gaalkacyo oo kaalinta ugu weyn ee lagu soo qabtey qaraxaasi qaatey, isagoo sidoo kalena mahad celin taa la mid ah u jeediyay ciidanka amaanka gobolka oo kaalin muuqata ka geystay gacan ku soo dhigida waxyaabahaasi qarxa.

G/sare Muuse Xasaasi waxaa uu sheegay in qaraxa lagu aasey wadada uu u maro guriga uu ka degan yahay magaalada Gaalkacyo, isagoo sidoo kalena sheegay in ay jiraan mas’uuliyiin kale oo uu ka mid yahay Duqa Degmada Gaalkacyo in ay isticmaalaan wadadaasi, talaabadana ay u qaateen mid lagu doonayey in lagu bartilmaameedsado Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Mudug.

Waxyaabaha qarxa ee la soo bandhigay ayaa waxaa ay ka koobnaayeen 3 shey, waxayna kala ahaayeen, Haan ay ka buuxdo baaruud, Beteri nooca dabka keydiya ah, iyo shey koronto ah oo wata fiilooyin dhowr ah oo isla markaana kala nooc ah.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug G/sare Muuse Xasaasi waxaa uu shacabka magaalada Gaalkacyo kula dardaarmay adkeynta iyo ka shaqeynta nabad gelyada iyo in ay iska daafacaan dadka wax ma garatada ah ee nabadooda u quuri la’a waa sida uu hadalka u dhigay Taliyuhu.

Ma aha markii ugu horeysay ee ay Ciidanka amaanka Gobolka Mudug soo qabtaan ama ay fashiliyaan waxyaabaha qarxa oo lagu aasey dhulka ama la dhigay goob dariiq ah, waxaana tani ay noqonaysaa talaabadii labaad oo howl karnimo ah oo ay ku guuleystaan Booliska Gobolka Mudug.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...