Sunday 7 February 2010

2,500 oo askar Soomaaliya oo tababar loogu soo xirayo Dalka Kenya.

Sunday, February 7th, 2010
Nairobi (Raxanreeb.com) Dawladda Kenya ayaa tabar u soo xireysa ciidamo Soomaaliya oo dalka kenya lagu tabarayay kuwaasi oo tiradooda lagu sheegay ilaa iyo 2,500 oo askari.

Ciidankaan ayaa tababarkooda lasoo xirayaa Maalmaha fooda inagu soo haya si ay ugu biiraan Cududa dawalada Federaalka Kumeel gaarka ah ee Soomaaliya oo uu hogaamiyo Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed.

Ciidankaan tababarka loo soo xirayo ayaa lagu wadaa iney ku biiraan guluf colaadeed oo ay Dawladda Soomaaliya shaacisay iney ku qaadi doonto kooxaha mucaaradka ee Al shabaab, Xizbul islaam iyo Jabhadda Raaskambooni oo inta badan gacanta ku haya Magaalada Muqdisho iyo inta badan gobalada Konnfureed ee Dalka Soomaaliya.

Hadalkaan ayaa laga soo xigtay saraakiil kenyana oo diiday in magacooda iney sheegaan mar ay la hadalayaan warbaahinta dalka Angola ee ku yaalla bartamaha Konnfureed ee Qaaradda Afrika.

Saraakiisha reer Kenya waxay sheegeen in ciidamadani ay ku jiraan tabaradii iyo qiimeyntii ugu dambeysay ka hor intaan dib loogu celin Dalka Soomaaliya ayna hubaal tahay in Maalmahan soo Socdsa ay ku biiri doonaan ciidamada qalabka sida ee Dawladda Soomaaliya si meesha looga saaro kooxaha mucaaradka ee dawladda ka soo horjeeda, dibna loo soo celiyo amaankii, sharcigii iyo kala dambeyntii ay Soomaaliya.

”Ciidamada Soomaalida si wanaagsan ayaa loo tababary, waxaana la filayaa in carbintu ay u dhamaato maalmaha fooda inagu soo haya, sidaasi waxaa yiri sarkaal ka tirsanaan jirey milatariga Dalka Kenya oo kamida saraakiishii tababarka siinaysay Ciidamada Soomaalida ee Kenya lagu tababarayo.

Ila Wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in ciidamada soomaalida ee lagu tababaryo Kenya ay dadoodu u dhaxayso 20-25, waxaana la xaqiijiyay in lagu tababarayo Magalaada Isiolo ee Gobalka Eastern ee Dalka Kenya, oo horey uga tirsanaan Jirtey Gobalkii la oran jirey Northern Frontier Divison(NFD) oo Loo kala qeybiyaya gobalada Waqooyi bari, iyo gobalka Bariga (Eastern) ee Dalka Kenya.

Dhinaca kale Wasiirka gaashaandhiga Kenya Yuusuf Xaaji ayaa sanadkii hore waxa uu xaqiijiyay in dawladiisu ay Ciidamo u Tababareyso dawladda Soomaaliya isagoona carabka ku dhuftay in Cutubyada Ciidamada Soomaalida ah lagu tababarayo magaalooyinka Samburu, Isiolo, iyo qeybo kamida gobalka xeebta ee ay Mombasa ay xarunta u tahay.

Waxa uuna wasiirku hadalkiisa raaciyay kooxaha mucaaradka ee islaamiyiintu iney khatar ku yihiin ammaanka Kenya, Kenyana ay waajib ku tahay Iney caawiso Dawladda Soomaalida oo ay saaxiib dhaw la tahay si loo soo afjaro mushkiladda Dalkaasi ka aloolsan 18kii sano ee la soo Dhaafay.

Kal hore ayay ahayd markii ay Kenya gaashaanka ku dhufatay baaq uga yimid dawladaha galbeedka ee uu Mareykanku ugu horeeyay, iyadoo markaasi Kenya laga Codsaday iney Ciidamo nabad ilaalina u dirto Dalka soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka ah qorshaha Midawga Afrika ee Nabadeynta Dalka Soomaaliya si loo taageero Dawladda taagta darran ee Soomaaliya ee ay la dagaalamayaan Kooxaha Islaamiyiinta ah ee ay cududoodu sareyso.

Dawaldda Soomaaliya oo horey Ciidamo ugu soo tababaratay dalalka Uganda, Djibouti iyo Burundi ayaa Goor hore wacad ku martay iney qaadeyso guluf gaashaan buureysan oo ay guud ahaanba doonayso iney ku soo gacan gashato goobaha ay ka taliyaan Kooxaha Mucaardka ee ka dagaalamaya Dalka Soomaaliya.

Ma cadda ilaa iyo hadda goorta iyo qaabka ay dawladda Soomaalidu u qaadeyso weerarkaasi ay shaacisay hase ahaatee waxaa muuqda saan saan colaadeed oo laga dareemayo gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaana magaalada Muqdsiho iyo qaar kamida gobalada Koonfureed ee Dalka Somaaliya.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...