Sunday 7 February 2010

Waxgaradka Beesha Daarood ee Koonfurta Somalia oo Cambaareeyay dhibaato ay sheegeen in Somaliland ka wado magaalada Laascaanood.

Golaha Guurtida Beesha Daarood ee Koonfurta Somalia ayaa si kulul u Cambaareeyay Howlgalada dhiigga ku daadanayao oo ay magaalada Laascaanood ka wadaan Ciidamada Maamulka isku magacaabay Somaliland.

Kadib kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen Waxgaradka Beesha Daarood ee Koonfurta Somalia ayay si kulul ugu Eedeeyeen Somaliland in ay Ciqaab ku hayso Culimada iyo Waxgaradka kasoo jeedo gobalka Sool sida ay hadalka u dhigeen waxgaradkaasi.

Gudoomiyaha Golaha dhaqan Beesha Daarood ee Koonfurta Somalia Sheekh Axmed C/laahi shanlle ayaa sheegay in Somaliland ay Xabsiga magaalada Laascaanood dhigtay Culimaa’udiin iyo Arday waxkabaranaysay Iskuulada magaalada Laascaanood Gobalka Sool.

“Maamulka isku magacaabay Somaliland waxay magaalada Laascaanood ka wadaan caburin,waxaan ku Eedeynaynaa in Somaliland ay dhibaato ku hayso culimada magaalada iyo waxgaradkii magaalada iyadoo si qaab daran ula dhaqmayso shacabka Laascaanood”ayuu yiri Sheekh Axmed C/laahi.

Odayaashan kasoo jeedo magaalada Laascaanood waxay qaraxyada ka dhaca magaaladaasi ku Eedeeyeen Sirdoonka Somalia oo ay sheegeen in ay wadooyinka Miinooyin dhigaan kadibna ay ku Eedeeyaan culimada magaalada “Qaraxyo iyo Amaan darro ayay abuuraan kuwa Somaliland isku sheega kadibna waxay beegsadaan culimada iyo dhalinyarada”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sheekh Axmed C/laahi.

Maamulka Somaliland ayaa lagu dhaliilay hakinta Waxbarashadii laascaanood iyo Isgaarsiintii magaalada oo in mudda ah hawada ka maqnaa, ugu dambayntii Waxgaradka Beesha Daarood ayaa ugu baaqay salaadiin Somaliland in ay soo fara geliyaan dhibaatada ka aloosan magaalada Laascaanood.

Cambaaraynta kasoo yeertay Odayaasha Beesha Daarood ayaa kusoo aadaysa xilli saraakiil katirsan Sirdoonka Somaliland iyo Itoobiya ay baaritaanno xoogan ka wadaan magaalada Laascaanood xarunta Gobalka laysku murunsanyahay ee Sool.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...