Saturday 4 February 2012

DEG DEG: Dagaal Caawa Ka Socda Gudaha Degmada Luuq

Luuq (RBC) Wararka naga soo gaaraya degmada Luuq Ganaane ee gobolka Gedo ayaa xaqiijinaya in dagaal culus uu magaalada ka socdo haatan.
Dagaalka ayaa ka bilawday weerarar ay soo qaadeen ciidamo ka tirsan ururka Al-Shabaab. Waxaana iska horimaadka uu ka bilawday bar kontorool oo ciidamada DKMG iyo kuwa Ethiopia ku leeyihiin afaafka hore ee degmada Luuq oo gacanta ugu jirta maamul hoostaga DKMG ah.
Dagaalka ayaa la sheegay in si weyn looga dareemay magaalada iyadoo rasaas culus weli ay socoto.
Gudoomiyaha gobolka Gedo Diyaad Cabdi Kaliil oo aan la hadalnay ayaa sheegay in koox ka tirsan Al-Shabaab ay soo weerareen magaalada balse dib loo riixay.
Idaacadda ku hadasha Afka Al-Shabaab ayaa goordhow sheegtay in ciidamada Al-Shabaab ay u suurtagashay inay gudaha u galeen degmada Luuq iyagoo sheegtay in ay dilaan illaa 10 askari oo isugu jira Ethiopian iyo ciidanka DKMG ee jooga Luuq.

Wixii ku soo kordha kala soco Raxanreeb.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...