Dawlada waxay kaloo maanta la wareegtay dhismihii Bacaadlaha oo ku yaalla degmada Xamarweyne oo ka mid ahaa meelaha ay dadka deganaayeen mudada dheer.
Dhowaan ayaa guddi dawladu u saartay baneynta dhismayaasha dawlada waxay soo saareen amar ay dadka ugu qabteen in mudo 12 maalmood gudahood ah ay ku baneeyaan dhismayaasha dawlada ee danta guud, wuxuuna amarkaasi ku eg yahay maalinta berito ee Axadda.
Madaxweynaha DKMG Shariif Sheekh Axmed iyo xubno ka mid ah saraakiisha ciidamada ayaa maanta booqday dhismayaasha laga baxay gaar ahaan Guriga Hooyooyinka oo isla maantaba lagu wareejiyey wasaaradda haweenka.

Baneynta guryahan waxay qeyb ka tahay olole ballaaran oo ay DKMG ku dhawaaqday labo toddobaad ka hor kaasoo ahaa in guud ahaan dhismayaasha danta guud oo ay ku jiraan xarumaha waxbarashada, isbitaalada, dhismayaasha wasaaradaha iyo goobihii adeega guud laga qaado dadka heystay mudadii burburka ahayd.
Inkastoo maanta dhowr guri ay dawladu la wareegtay haddana waxaa weli aan gacanta lagu heyn xarumo kale oo muhim ah oo ay ku jiraan wasaarado iyo dugsiyadii waxbarashada sida dugsigii sare ee tababarka Farsamada iyo kii Banaadir oo dad weli ay degan yihiin.

Waa markii ugu horeysay oo 21 sano ka dib guryo dawladeed laga saaro dadweyne degaameystay.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho






No comments:
Post a Comment