Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa marka hore uga mahadceliyey Wasiiradda sida quruxda badan ee loo soo dhoweeyey isaga iyo wafdigiisa. Sidoo kale Wasiiradda Talyaaniga Annamaria Cancellieri ayaa ku ammaantay Ra'iisul Wasaaraha sida uu horumarka weyn uga sameeyey arrimaha amniga isla markaana u soo celiyey rajadii Soomaaliya oo ay sheegtay in beesha caalamka ay u soo jeesteen arrimaha Soomaaliya.
Labada mas'uul ayaa ugu danbeyntii waxey isla garteen in Booliska Soomaaliyeed iyo Booliska Talyaaniga ay wada saxiixdaan heshiis iskaashi oo Booliska Soomaaliyeed loo fidiyo kaalmo dhanka qalabka, Lojistikada iyo kor u qaadida tayada ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Waxey kaloo isla garteen in Soomaaliya laga saacido maalmul u sameynta degmooyinka laga xorreeyo Al-Shabaab iyo la dagaalanka burcadbadeeda in laga saacido Soomaaliya soo nooleynta Ciidanka Xeebaha iyo u sameynta mashaariic horumarineed si dhalinyarada ay looga fogeeyo falalka burcad-badeeda. Ugu danbeyntii waxey labada masìuul isla garteen in Qorshaha Xasilinta ee Amniga Qaranka Soomaaliyeed la dhaqangeliyo oo Talyaaniga uu kaalintiisa ka cayaari doono.
--
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia
& Spokesperson of the Government
& Spokesperson of the Government
Tel: +252615479911
Tel: +252699998854
No comments:
Post a Comment