Friday 12 February 2010

Dad Ka Soo BarakacaySomalia - Dagaal Beeleed Ka Socda Koonfurta Mudug Oo Gaalkacyo Soo Gaarey.

Gaalkacyo (RBC):- Dad barakacayaal ah oo aad u tira badan ayaa labadii maalmood ee ugu dambeysay ku soo qul qulayey gudaha magaalada Gaalkacyo, dadkaasi oo ah kuwa ka soo cararey dagaal beeleedyo ka socda deegaano ku yaala koonfurta gobolka Mudug.

Dadkani oo u badan Haween iyo caruur ayaa waxaa ay yihiin dad qoysas ah, kuwaasi oo si toos ah uga yimid Deegaanka Bacaadweyne oo ku yaala koonfurta Gobolka Mudug, halkaasi oo bilihii ugu dambeeyay ay ka socdeen dagaalo u dhaxeeya laba beelood oo wada degan Bacaadweyne.

Qoysaskani barakacayaasha ah ayaa sheegay in ay go’doon ku ahaayeen gudaha deegaanka Bacaadweyne tan iyo intii ay socdeen dagaalo beeleedyada ka soconaya weli deegaankaasi, waxayna haatan door bideen in ay ku noolaadaan xerooyinka dadka soo barakacay ee ku yaala gudaha iyo daafaha magaalada Gaalkacyo.

Dadkani ka soo barakacay dagaalada ka soconaya koonfurta gobolka Mudug ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsanaya in gacan laga geysto dhex dhexaadinta iyo heshiisiinta labada beelood ee ku diriraya deegaanka Bacaadweyne, iyagoo intaa raaciyay in ay san ku noqon doonin tan iyo inta ay colaaduhu ka socdaan deegaankii ay ka soo barakaceen.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...