DEG DEG:
Muqdisho (RBC Radio):-Mudaaharaadyo waaweyn ayaa Goordhaw Gilgilay magaalooyinka Baydhabo,Jowhar iyo deegaanka Ceelasha Biyaha Duleedka magaalada Muqdisho.
War Goordhaw nagasoo gaaray magaalada Baydhabo ayaa xaqiijinaya in Kumanaan qof ay isugusoo bexeen Garoonka Dr. Ayuub magaalada Baydhabo si ay uga qayb galaan Mudaaharaad ka dhan ah Jabuuti,AMISOM iyo dowladda KMG Somalia.
Goob jooge ku sugan magaalada Baydhabo ayaa RBC u sheegay in Saraakiil Maamulka Shabaab katirsan ay soo gaareen Garoonka islamarkaana ay shacabka ugu baaqeen in ay kala qayb galaan dagaalada ay Somalia ka wadaan.
Sidoo kale Mudaaharaad balaaran ayaa ka socda, magaalada Jowhar Gobalka Sh/Dhexe oo isna ka dhan ah Jabuuti,AMISOM iyo Dowladda KMG Somalia.
Hogaamiyaha Xisbul islaam Sheekh Xasan Daahir ayaa isna ka qayb qaadanaya Mudaaharaad ka dhan ah Jabuuti oo ka socda deegaanka Ceelasha Biyaha Gobalka Shabeelaha Hoose.
Mudaharaadyadan ayaa lafilayaa in ay ka Khodbeeyaan hogaamiyaal katirsan Kooxaha Mucaaradka ah,
wixii kusoo kordha kala soco RBC Muqdisho Somalia.
No comments:
Post a Comment