Thursday 11 February 2010

Dadka Muqdisho oo Ka Qaxaya Degmooyinka ay Maamulaan Mucaaradka

Muqdisho, (RBC Radio) Dadkii ugu badnaa ayaa ka cararaya xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada iyagoo ka baqaya in dagaalo xoogan ay dhexmari doonaan dowlada iyo mucaaradka.

Wararka ayaa sheegaya in dadka ugu badan ay ka qaxayaan degmooyinka ay joogaan kooxaha mucaaradka halkaasi oo dadkii deganaa ay ka cabsi qabaan inay saameyn ku yeelato dagaalka ay dowladu qorshaneyso.

Dad degan xaafado ku yaalla agagaarka suuqa Bakaaraha ayaa maanta u sheegay RBC Radio in xaafadihii ay deganaayeen ay ka guurayaan iyagoo u qaxaya degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho halkaasi oo dad badan hore ugu barakeceen.

Meelaha laga barakacayo ayaa waxaa ka mid ah degmooyinka Yaaqshid, Hodan, Suuqa Xoolaha, agagaarka wadada warshadaha iyo qeybo ka mid ah Madiina oo ahayd meel degan oo dad badan horey ugu barakeceen. Dadka barakacaya ayaa saxaafada u sheegay inay ka cabsi qabaan in weerar xoogan oo kooxaha mucaaradka lagu soo qaado ay iyaga saameyn ku yeelato ama dhibaato ka soo gaarto sidaasi darteedna ay uga qaxayaan meelo ka durugsan sida Ceelaha Biyaha.

Wararka ayaa sheegaya in goobihii ay hore u joogeen kooxaha mucaaradka sida Al Shabaab ay hadda noqdeen meelo cidla ah oo aysan cidi joogin, waxaana meelahaasi ka mid ah suuqa Bakaaraha oo ay horey u joogeen maleeshiyaadka Al Shabaab.

Degmada Dayniile ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in dad badan ay ka bexeen shaley iyo maanta iyadoo ay sii xoogeysaneyso cabsida iyo walaaca dadka rayidka ah.

Gawaarida rayidka iyo gaari gacamo ayaa dadku ku qaadanayaan alaabahooda iyagoo ilmahooda gacanta ku wata si ay uga baxaan goobihii ay deganaayeen.

Dadweynaha waxay aaminsan yihiin in dhaqdhaqaaqyada hadda ay wadaan dhinacyada dowlada iyo mucaaradka ay yihiin kuwo hordhac u ah dagaal xoogan oo soo socda.

Dowlada ayaa beenisay inay dagaal qaadi doonto, laakiin kooxaha mucaaradku waxay sheegeen inay la socdaan in weerar lagu soo yahay.

Si kastaba xaalada Muqdisho ayaa sii adkaaneysa maalinba maalinta ka dambeysa, waxaana si weyn dhegaha loogu taagayaan halka uu ku dambeyn doono isu hub urursiga hadda socda ee ay wadaan dowlada iyo mucaaradka.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...